Tuesday, March 11, 2014

Sida ugu Sahlan ee aad ku ilaalin karto Caafimaadka Indhahaaga


indho1(GNA)Inta badan waxaan iska illaabaan  inta ay la egtahay muhiimada caafimaadka indhaha uu leeyahay waa intaa ay ku dhacaan wax yaabaha laga hadlayo.




Sidaa darteed waxaan idin soo gudbineynaa talooyin fudud isla markaana dhaxal gal u ah ilaalinta caafimaadka indhaha.




1-Cunida Khudaarta:




Waa in aad cuntaa khudaarta caleenta cagaarka ah maxaa yeelay waxay idhihu ka ilaaliyaan qaasatan buqcada “buqca” waxaa lagula jeedaa shey ku yaala qeybta danbe ee isha kaa soo fududeya in si fiican oo wanaagsan aan wax u aragno,




 




Hadii ay buqcadu u shaqeyn waydo si wanaagsan, waxaa yaraada aragtida qofka.




 




2-Isticmaalka fitimiinka:




In la isticmaalo fitimiinka waa muhim si guud ahaanba, iyadoo ay ku jirto Caafimaadka indhaha, fitamiinyadaasi ayaa waxay ka kooban yihiin: A, C, E iyo B2




 




3-Inaad in badan isticmaasho saliida kaluunka:




Wuxuu kaa saacidayaa in aad si wanaagsan wax u aragto iyo caafimaadka Indhahaaga (Cunida kaluunku waxuu kaloo ka mid yahay raashinka u wanaagsan Caafimaadka wadnaha si gaar ah  sidoo kale indhaha iyo in uu si feeyo dhiiga iyadoo sifeynta dhiiguna ay u fiicantahay caafimaadka indhaha).




4-Shaah cabida:




Waxaa hubaal ah in cabida shaahha ay awoodeyso biyaha ka yimaada indhaha kaa soo indhuhu  kahelaan caafimaad.




5-Inaad xidhato ookiyaalaha ama muraayada loogu tala galay qoraxda:   




Waxuu muhiim u yahay ilaalinta indhaha iyaga oo ka ilaalinaya ilayska qoraxda iyo qashinka WIM,




6-inaad siiso indhahaaga waqti raaxo ah:




Hadii aad tahay mid ku shaqeeya aalada computer-ka xasuusnaaw qaacidada ah 20/20/20 kaa soo ah in aad  qaadato 20-kii daqiiqaba nasasho ah 20 sakin.




Hadii aad u qaadato talooyinkaan sida saxda ah oo aad had iyo jeerna si toos ah u booqato dhakhtarka indhaha, waxay kaa saacideysaa indhahaaga in ay helaan Caafimaad wanaagsan sanadaha  hadii eebe idmo




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Hargeysa /Somaliland 




Gobanimonews.com