Tuesday, March 4, 2014

Shirkad Xabakta hab casriya uga shaqaynaysa oo xarun ka furatay Burco


S5680406Burco(GNA)-Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta si Rasmiya Xadhiga uga  Jaray Xarunta Xabkaha,Beeyada iyo Faleemka Oo ay Magalada Burco ka Hirgalisay Shirkadda Caalamig ah Ee Alla-Magan.




Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Furitanta Xaruntan ayaa waxa ka qayb galay  Wasirka Arrimaha Gudaha,Badhasaabka Gobolka Togdheer,Masuliyinta Shirkadda Alla-Magan,Qaar ka Tirsan Isu-Duwayasha Laamaha Dowlada, iyo Masuliyiin kale oo ka kala socday Shirkaddaha Ganacsiga iyo Hay’adaha.S5680084




Mukhtaar Sheikh Maxamud Cumer Oo ah Maamulaha Shirkadda Alla-Magan Ee Gobalka Togdher,ayaa  Fahfahin ka Bixiyay Marxalidihii Kale Duwanaa Ee ay Soo Martay Aasaska iyo Hirgalinta Xaruntan Xabkaha iyo Faleemka.




" Waxaanu Maanta Halkan ku Dahfuraynaa Xarun Cusub Oo Aan Hore u Jiri Jirin Oo la Yidhahdo Alla-Magan Gums And Resins,Waa Xarun Cusub Oo Aanu Ugu Talo Galnay in Lagaga Shaqeeyo Xabkaha iyo Faleemka,Qaabka Xaruntani waa Qaab Cusub Oo Aan hore u Jiri Jirin,Runtii Shirkada Alla-Magan Gums Waxay ugu Talo Gashay inay Kor usoo Qaado Hanaanka Xabkaha Looga Shaqeeyo”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Alla Magan Company Waxa la Aasasay 1999 Xaruntisu Waa Magalada Burco,Wuxuu ka Shaqeyaa Meelo Badan Oo ay ka Mid Yihiin Gobalada Dhexe Ee Somalia,Arrimaha Uu ka Shaqeyana Muhiimadiisu Waxay Tahay Waa Xabkaha iyo Faleemka,Sidoo Alla Magan Company Waxay ka Shaqaysaa Hargaha iyo Saamaha,Livestock iyo Ganacsiyo Kalaba,Xaruntan Xabkaha iyo Faleemka Ee Burco Waxa ka Shaqeeya 80 Qof Oo Shaqaale ah,Xaruntan Markii Hore Waxa Lagaga Shaqayn Jiray Hargaha,2012 ayaanu Bilownay in Aanu Kor usoo Qaadno Hanaanka Malgashiga,Runtii imika waxaanu u Gudubnay in Mashiino Lagaga Shaqeeyo Oo Howshaas Lagau Qabto" Ayuu Yidhi Mareyaha Shirkadda Alla-Magan Company Mukhtaar SheikhS5680013




Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay xafladda ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucan lagu balaadhinayo wax soo saarka dalka ee dabeeciga.




“Runtii Xabkaha iyo Faleemku Waa Qaniimad Wadankani Leeyahay,Waxay ahaan Jirtay Wakhtiyadii Hore Ee Faraacinimada Ama Boqoradii la Odhan Jiray Xabsi Suud Waxay Caan ku ahaan Jirtay Dalka Somaliland Gaar ahaana Gobalka Sanaag ,Wakhtigii Dowladi Siyaad Barre Dadku Waxay ka Taajiri Jireen Xabkaha iyo Faleemka,Waxay ahayeen Waxyabaha Ugu Badan Ee Laysku Dili Jiray Ama Ninka la Siiyaa Uu ka Taajiri Jiray,intii Dowladii Siyaad Bare Burburtay Way Dayacmeen Xabkaheenu,Runtii Maanta Waxa ii Farxad ah inaynu u Samaysanay Meel aynu ku Habayno Oo aynu ku soo Duno Xabkihii ku Lumi Jiray Meelo Faro Badan iyo Dalal Kale ay ka Faa'iidaysan Jireen,Ganacsatada Garatay inay Xabkaha Dib u Habayso Aad iyo Aad ayaan Ugu Mahad Celinayaa,Warshadan Aanu Maanta Furaynayna Waxaanu ilaahay ugu Baryaynaa inay Noqoto Mid Lagu intifaaco" Ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land.




     S5680039Badhasaabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka hadlay ayaa yidhi''  Runtii Aad iyo Aad ayaan Ugu Hanbalyaynaya Shirkada Alla-Magan Qorshahani Cusub Ee ay Hindistay,Xabagta iyo Faleemku Waxay ahayeen Waxyabaha Gaarka inoo ahaan Jiray Dhaqan ahaan,Markaynu Dhoofino wadamo Badan ayaa Sheegta inay Baxdo Wadankooda Dabadeedna Waatas la Bililiqaystay,Waxaan Aad iyo Aad Ugu Boorinaya Uguna Hanbalyaynayaa Cidii Aasastay Shirkadani Ee Heerkan Soo Gadhisisay" Ayuu Yidhi Gudomiyaha Togdheer




Mustafe Cismaan Geele Oo ka Socday Shirkadda SBI Oo isaguna ka Hadlay Furitanka Xaruntani Cusub ayaa Shirkadda Alla-Magan ku Aamanay Dedaalka Fiican Ee ay Ugu Jirto Sidii ay Bulshada u Bar Lahayeen Qaabka Ugu Haboon Ee Looga Faidaysan Karo Khayraadka Dalkeena.S5680100




Novreco Jeam Oo isagu ka Socday Somaliland Business Fund Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa yidhi " Waxaan Shirkadda Alla-Magan ku Aamanayaa Sida Fiican Ee ay u Fulisay Mashruucani Waxaana Somaliland Business Fund iyagana ugu Mahad Celinayaa Siday Mashruucani Qiimaha Leh ay u Maalgaliyeen,Ganacsigu Wuxuu Horumarin Karaa Wixii War Soo Saar ah,Mashruucani aynu Maanta Furaynayaa Wuxuu ka Mid Yahay Qorshayasha aynu ku Doonayno inaynu ku Horumarino Dalkeena Somaliland" Ayuu Yidhi Mr Novreco




Sidoo Kale Waxa iyaguna Xafladaasi ka Hadlay Xasan Jaamac Yasiin Oo ka Socday Hay’adda Care,Madaxa Suuqgaynta Shirkada Telesom Sheikh Cali Mahdi,Isu-Duwayaasha Wasaradaha Ganacsiga,Degaanka iyo Beeraha.




Waxaanay Dhamaantod Amaan Baladhan usoo Jediyen Shirkadda Alla-Magan iyagoo Kula Dardarmayna inay Halkaasi ka sii Wadaan Dedaalka ay Ugu Jiraan Sidii ay Shacabka Reer Somaliland Ugu Baraarujin Lahayeen Qaabka Looga Faidaysan Karo Xabagta iyo  Faleemka.Si Kastaba ha ahatee Shirkadani Cusub Ee Laga Hirgaliyay Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa iyadu ah Guud ahaanba Mid Cusub Dalka.




Si Kastaba ha ahatee Shirkadani Cusub Ee Laga Hirgaliyay Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa iyadu ah Guud ahaanba Mid Cusub Dalka.S5680058




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office