Tuesday, March 18, 2014

Sheegashadda Dallada SONYO ee Dhalinyarada!By Maxamed X. Cali


Marka hore salaam sare dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, intaas kadib, waxaan dhamaan u soo jeedinayaa dhalinyarada Somaliland ee heer gobol ilaa heer degmo inay ka tashadaaan sidii laga yeeli lahaa SONYO taas oo iminka u muuqata inuu dhamaaday wakhtigeedii, maxaa yeelay waad arkaysaan sida looga soo horjeeda.




Wax kastaa marka uu gaadho figta u saraysa waxa bilaabma in ay timaado ama soo dhowaato tayo la’aantiisu, markaaa maanta SONYO waxay maraysa meel ay ka fara mudhuxsatay arimihii dhalinyarada, taas oo keentay in dhamaan gobolada dalka lagaga kaco oo laga soo horjeesto, waayo SONYO waxay ka bexeen RUN-WAY-gii ama dhabadii loo aasaasay oo ay u baydheen inay ku raadsadaan xoogaa manfac dhaqaale, arinkaas oo u cuntami waayay dhalinyarada Somaliland.




style="font-size:16px;">Dhalinyarada Somaliland ee fikirkoodu ka soo horjeedo SONYO waxaan kula talinayaa inay sameeyaan xidhiidh heer sare ah oo ay ku soo bandhigi karaan awoodooda dhalinyaro, taas oo gobol walba looga baahan yahay inuu sameeyo dhalinyaro macquul ah oo arinkaa u tafa xaydata sidii looga midho dhalin lahaa.




Dhalinyarada waxa looga baahan yahay inay isu yimaadaan muujiyaan cududooda iyo sida ay uga soo horjeedaan SONYO iyadoo sifo sharciya loo marayo, markaas ka dib gobolka kasta oo Somaliland ah laga sameeyaa Guddi u xilsaaran soo ururinta ra’yiga dhalinyarada, markaas ka dib laysu keenaa dhamaan ba araada gobolada iyo degmooyinka Somaliland, si loo helo kalsoonida dhalinyarada Somaliland, si looga maarmo SONYO iyo xulafadeeda oo loo helo dhalinyaro isku xidhan oo wax qabsan karaysa.




 




Ololaha balaadhan ee loogu jiro xal u radinta arimaha dhalinyarada waxa looga baahan yahay in la helo dhalinyaro u heelan oo u dulqaata wax yaabaha kaga imanaya debada ama dad kale ee aan la fikirka ahayn.




 




Dhamaan dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool dhamaan gobolada Somaliland waa in ay isu taagaan oo ka damqadaan in magacooda lagu raadsado waxaan quutal daruuri dhaafayn oo aan wax faa’iido ahi ugu jirin, taas oo keentay maanta in dhalinyaradu aqoonsato in wax badani ka maqan yihiin oo ay u baahan yihiin in ay helaan Dallad dhalinyaro oo ku dhisan rabitaanka dhalinyarada iyo isku xidhka dhamaanba dhalinyarada Somaliland mid heel gobol ilaa heer degmo, taas oo aan iminka muuqan.




Gobolkastaa waa in uu iskii isu abaabulaa si loo helo cudud midaysan oo lagu riixo SONYO, cududaas oo metesha Gobolka oo dhan taas oo keenaysa in dhalinyaradu ku qancaan howlaha ay u igmadaan.




Waxaan si taxadar leh oo aan gabasho lahayn dhalinyarada ugu adkaynayaa inay xaq u leeyihiin inay fikirkooda cabiraan, sheegaan dhaliilaha ay tebeyaan, ka damqadaan in lagu shaqaysto magacooda arimahaas oo dhan waa armaha loo baahan yahay in aynu si siman u wada helno hadaynu nahay dhalinyarada Somaliland.




Waad mahadsantihin




 




Allaa Mahad leh




 




By: Mohamed Hamud Ali




 




Contact: 063-4125186




 




hamudson@gmail.com