Pages

Sunday, March 23, 2014

Shariif Xasan iyo Xubno uu Hogaaminayo Oo Si Dhuumasho ah Ku Soo galay Baydhabo Iyo Mudaharaad lagu diidanyahay oo ka socda Magaaladda


Baydhabo(GNA): Banaanbaxii kasocday Magaalada Baydhabo ayaa la soo sheegayaa inuu sii xogeystay kadib markii Xubno uu hogaaminayo Shariif Xasan oo ay kamid yihiin Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Indhacade ay gudaha usoo galeen magaalada.




baydhabo




Waxaana la sheegayaa in ciidamada Itoobiya ay diideen inay galbiyaan Shariif Xasan iyo Raga la socda.




Shariif Xasan oo ay lasocdaan Yuusuf Indhacade iyo Cali Maxamed Geedi ayaa si dhuumaaleysi ah kaga soo talaabay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud, waxayna hada ku jiraan guri u dhow Garoonka Diyaaradaha.




Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/fitaax Geesay ay ku hareereysan yihiin guriga ay ku jiraan Shariif Xasan iyo raga lasocda.