Beijing(GNA)-Saraakiisha dalka Vietnam ayaa sheegay in laba meelood oo waaweyn oo shidaal ku qubtay lagu arkay meel ka baxsan badda dhinaca xeebta koonfureed ee dalkaasi.
Tani waxay timi yadoo wali la wado baadi-goobka diyaaradda shirkadda Malaysia Airlines leedahay oo ilaa horaantii Sabtida la la'yahay ee Meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.
Diyaarada ayaa siday 227 qof oo Rakaab ah.
Halka saliidda lagu arkay ayaa ah inta u dhaxay shan iyo toban ilaa labaatan kilomitir oo dherer ah, balse ma jirto wax cadaynaya in saliidda ay diyaaradda ka daadatay.
Diyaarado iyo maraakiib ka socota dalal dhowr ah ayaa baadi-goob ka wada ilaa kala bar meel u dhaxaysa Vietnam iyo Malaysia.
Ilaa Habeennimada caawa wali lama helin wax burbur ah.
Diyaaradda la la;yahay oo ah nooca Boeing 777 waxaanay ku sii jeeday Caasimada Shinaha ee Beijin.
Saraakiisha shirkadda Malaysia Airlines ayaa sheegay in aan wax qaylo dhaan ah laga helin diyaaradda la la'yahay.
Wasiirka gaadiidka dalka Malaysia ayaa sheegay in warar hore oo laga helay Vietnam oo sheegayay in diyaaraddu meel xeebteeda ka baxsan ay ku burburtay aan la xaqiijinin.
Diyaaradda ayaa isgaarsiinta iyo xiriirkii aaladda raadaarka lumisay laba saac markii ay sii safraysay.