Pages

Monday, March 10, 2014

Saraakiisha Duulimaadyada Malaysia oo tibaaxay in la afduubay Diyaaradda luntay


Kuala Lumpur(GNA)-Diyaarad luntay Maalintii Sabtida ayaa la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ilaa hada.




Madaxa hay'adda duulimaadka Malaysia ayaa sheegay in la la'yahay halka ay ku dambaysay diyaaraddan oo siday 227 Rakaab ah iyo 12 shaqaale ah, , isagoo xusay  in laga yaabo xitaa in la afduubay.




Azharuddin Abdul Raxman ayaa sheegay in ilaa haatan aan la hubin wararka sheegayay in burbur lagu arkay qeybo ka mid ah badda Vietnam, taasoo ah tibaax lagu sheegay inay tahay Diyaaradii.




Azharuddin_Abdul_Rahman.civil avaition" Nasiib darro , ma aannu helin diyaaradaas, wax muuta in wax kasta oo muuqdaa ay tahay shay ka mida diyaaradda  " ayuu yiri.




Diyaaradda luntay ayaa nooceedu ahaa Boeing 777, waxaanay ka duushay Magaalada Kuala Lumpur,, iyadoo ku sii jeeday Beijing.




Kooxaha gurmadka oo wata diyaarado iyo maraakiib ayaa baaritaano ka wada badda koonfurta Shiinaha,saacad kasta iyo daqiiqad kasta.




Diyaarado iyo maraakiib caalami ah oo tiro badan ayaa ka qeybqaadanaya baaritaanka socda.Diyaarad




Diyaarad laga leeyahay Vietnam ayaa sheegtay in ay ku aragtay wax u eg albaab diyaaradeed koonfurta Shiinaha.




Balse ma jiraan cadaymo muujinaya in waxa diyaaradu aragtay ay yihiin burburka ama raqda diyaaradii la waayay.




Ehellda dadkii saarnaa diyaaradda ayaa loo sheegay inay wax kasta u diyaar garoobaan, xili kasta .




Shaki weyn




Baaritaanadu waxa ay hada diirada saarayaan labo nin oo watay baasabooro la soo xaday kuwaas oo diyaarada raacay.




Malasian airlineMadaxda Dawladda Maleeshiya ayaa sheegay inay dib u habayn ku samaynayaan amaanka Madaaradda.




Diyaaradda ayaa la waayay markii ay hawada gashay masaafo dhan 35,0000 oo Feet.




Arrintan ayaa qayb ka ah Shaki isa soo taraya oo ku saabsan in la afduubay diyaaradda.