Marka(GNA)-Xoogaga Amisom iyo kuwa Dawladda Soomaaliya ayaa ku wajahan deegaamo u dhexeeya Degmada Marka iyo Baraawe, goobahaasoo dhufays difaac u ahaa Ururka Al-shabaab.
Warar laga helayo dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ka socda Deegaamadaasi ayaa ku soo waramaya inay Ciidamada Huwanta ahi weerarayaan Degmada Baraawe o o ah saldhiga ugu weyn ee Ururka Al-shabaab.
Warka ayaa intaasi ku daraya inay deegaamadaasi ka bilaabmeen Baro-kac ay dadku kaga baxsanayaan dagaalka.
Dawladda Soomaaliya ayaa hore wacad ugu martay inay dalka ka sifaynayso Ururka Al-shabaab.
Dagaalo xoogan oo lagu qaaday Dhulka ay ka gacanta ku hayaan al-shabaab ayaa lagala wareegay.
Hase ahaatee Xoogaga Ururka ayaa ku adkeysanaya inay difaacan doonaan goobaha ay maamulaan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com