Pages

Saturday, March 22, 2014

Saablayda xisbiyada qaranka qof ayaa samaystay.By.Xuseen B. Maax


Markaynu dib u raacno qaab dhismeedka xisbiyada qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland waxa xaqiiqa ah inay ku salaysan-yihiin saab qof keli ahi samaystay.Hadii qofkaasi dhintana xisbigu wuu la xijaabtaa ama ka daba xijaabanayaa.




Sidaynu ognahay hadana gibisha aynu saarayno xisbiyada qaranka ee maanta jira waxa saabkooda samaystay raga hogaanka u sareeya ka ah.Soo qaado xisbul-xaakimka Kulmiye waxa daabka u haya madaxweyne Axmed-siiraanyo oo ah ninka isagu saabka samaystay,cidii ka leexata aragtidiisa siyaasadeedna dibada ayaa looga tuuraa dayrka xisbiga kulmiye.Xisbiga Wadani kama duwana saab-laydaa Kulmiye,wadani weliba waxa u dheer isagoo ahaa dhud cadho lagu unkay oo ka dilaacday xisbiga ucid.Coomaadaha aan dabadii cidi hadal ee aan tiisa laga leexan karayni uu yahay gudoomiyaha wadani isla markaana ku fadhiya kursi laga furfuri kari waayay,xataa xukuumadu u weel guratay balse kala kulantay fashilaadii ugu cuslayd muddadi ay dalka hogaaminaysay.




Xisbiga ucid waa la mid oo waxa hogaanka u haya Aar miciyahiisu adkaadeedn,cidii ka hor timaada aragtidiisa siyaasadeed-na muska xisbiga ayuu dibada uga tuuraa.Saab-laydiisa lama taaban karo.




Halkaa waxa inooga cad saddexda xisbi qaran-ba inay mid guud ka siman-yahiin,taasina tahay:(Tayda diidow talo yay-naan isugu iman).Hadiiba ay dhacdo in la bedelo gudoomiyaasha xisbiyada waxa laga keenayaa gudoomiyaasha cusub-na kii hore beeshiisa oo ah codka ugu badan xisbigaas.




Waxa hadaba tilmaantaa guud ka sii daran tiirarka ay xisbiyadu ku taagan-yahiin waa qabiil.Xisbi kasta waxa laf dhabar u ah reer ama laba reer oo heshiis hoose kala saxeexday,reeraha kale ee cududaha yari kaga jiraan xisbiga ma jiro wax miisaan ah oo ay ku leeyihiin siyaasada lagu hago,waxa lagu buuxsadaa uun codka.




Sababta ay dimuqraadiyadu u kori wayday ee ay fadhiidka uga tahay waa:




 




1.Qaab dhismeedkaa xisbiyada qaranka oo ah beelo.




 




2.Gudoomiyaasha oo iska yeeshay xisbiyada.




 




3.Xisbiyada oo aan ku dhaqmin xeerarka u gaarka ah.




 




Tani waxay dabar ku xidhay xukuumad kasta oo dalka hogaankiisa qabata.Markaa madaxweyne Axmed-siiraanyo waxa uu raacay raad aan nin go’aan adag lahayni ka baydhi Karin.Waxaanay ku jihaysay inuu baal maro dastuurka iyo sharciyada dalka u yaala,una dhego nuglaado madax-dhaqameedka si ay reera-hoodu ugu daba faylaan xukuumadiisa.Waa ta khilaafka Kulmiye maanta ku salaysan-yahay.




 




Hadaba dalku waxa xaaladan ka saari kara xisbiyada oo bedela hab-dhaqanka iyo qaab dhismeedka haatan ay ku salaysan-yahiin.Muwaadin himiladiisu tahay dalka iyo dadka,go’aan adag leh,geesi ah oo aan u habran qaab beelaadka,hir gelin kara ku dhaqanka iyo meel marinta dastuurka iyo shuruucda dalka u taala.




Xuseen Xasan Badmaax




 




Hargeysa/JSL