Marka aad maqasho inuu dhacayo kulanka El-Clasico waxaa kaliya kuu sawirmaya in labada kooxood ee aduunka ugu xooga badan afartii sano ee lasoo dhaafay ay kulmayaan isla markaana uu yahay kulanka ugu culus kulamada aduunka laga ciyaaro kubada cagta, balse waxaa ku lamaanan xifaaltanka soo jireenka ah ee u dhaxeeya wiilasha ugu sareeya kubada cagta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo qeyb ka ah kulankaan.
Lixdii Abaalmarin ee ugu dambeysay ee Ballon D’Or Waxaa kala qeybsaday labadooda 4-ka mid ah Lionel Messi ayaa la hoyday halka Ronaldo uu laba jeer qaaday.
Balse Xidiga Aduunka haatan waa C. Ronaldo kaas oo heysta abaalmarintii ugu dambeysay ee 2013.
Kulankaan El-Clasico waxaa laga soo calaameeyay shan qodob oo muhiim ah oo go’aan ka gaari kara natiijada kulanka caawa ka dhici doona Bernabue.
1. Cristiano Ronaldo vs Lionel Messi
Layaab ma lahan in labadaan ay fure u noqdaan kulankaan waayo waa hogaamiyayaasha labada kooxood ahna gooldhaliyayaasha ugu sareeya kooxahooda xili ciyaareedkaan horyaalka La Liga, Ronaldo ayaa dhaliyay 25-gool, 24-kulan oo La Liga xili ciyaareedkaan halka Lionel Messi uu dhaliyay 18-gool, 21-kulan oo uu saftay xiligaan.
Qof walba ayaa ka war qaba qatarta labadaan xidig inkastoo Madrid ay u baahan tahay iney celiso Messi si ay xal ugu hesho Barcelona oo hadii Messi laga xirxiro u ekaaneysa Shimbir baalashii laga rifay.
2. Luka Modric vs Andreas Iniesta
Waa Laba Kubad sameeye oo wareegsigooda iyo cel-celiska kubadoodu uu aad u badan yahay lehna hal abuur wanaagsan oo qatar galin kara daafaca labada kooxood waxaana ay qeyb ka yihiin wiilasha ugu muhiimsan kulankaan.
Inkastoo aysan badi isku boos ciyaarin hadana waa labada xidig ee isugu soo dhaw xaga kubada ama qaabka kubada loo ciyaaro, waxaana ay qeyb weyn ka qaadan karaan natiijada kulanka caawa.
3. Diego Lopez vs Victor Valdes
Inkastoo la filayo in kulankaan uu yahay kulankii ugu dambeeyay ee Victor Valdes uu kasoo muuqanayo kulanka El-Clasico madama uu dhamaadka xagaagan baxayo hadana, qeyb ayuu ka yahay shaqsiyadka muhiimka ah ee kulankaan.
Valdes ayaa wajahaya: BBC oo ah Bale, Benzema iyo C. Ronaldo oo ah wiilal in la wajaho ay culus tahay, sidoo kale Lopez ayaa isna wajahaya Lionel Messi, Sanchez iyo Neymar oo ah wiilashii kulankii hore mucjisada dhigay.
Si kastaba Qaladaad ay sameeyaan iyo badbaadooyin ay sameeyaan labadaan shaqsi ayaa badbaadin karta dilina karta kooxahooda.
4. Gareth Bale vs. Jordi Alba
Maahan Sheekada iney isku boos yihiin balse waa wiilal is wajahaya marka la fiiriyo weerarka Bale iyo Daafaca Alba oo ah kuwo isku line saaran, waxaana ay noqon doonaan wiilal isku maxruuga oo dhanka orodka aan kala yareysan walow Bale lagu tiriyo xirfadleyda dhanka orodka kubada cagta.
Inkastoo Kulankii Camp Nou ee October 2013 dhacay uusan muhiimad ku laheyn Bale hadana dad badan ayaa qaba in Bale uu la qabsadan Los Blancos-ka isla markaana uu diyaar u yahay inuu dhaqaaq sameeyo kulankaan.
5. Xabi Alonso vs. Sergio Busquets
Waa Isku Dal waana cadow, mana la isku tixgelin doono in dhalasho la wadaago balse waxaa loo dagaalami doonaa cadaan iyo guduud oo ah Barca iyo Real waxeyna yihiin laba kubad joojiye oo xal ka gaari kara weerarka ku wajahan kooxahooda madama ay u xil saaran yihiin iney celiyaan.
Inkastoo Alonso dadka wax daraaseeya ay dhahaan uma firfircoona sidii hore hadana waa halyeey aan ogoleen in lagu hor dhaqaaqo kaas oo mar walba dagaalama.
Aan Aragno Waxa Caawa ka dhaca Stadium Bernabue ee Magaalada Madrid.