Pages

Saturday, March 22, 2014

Puntland oo Bedelkiisa Magacowday Taliye Aagii Galgala ee la dilay


Garoowe(GNA)-Maxamed Cabdiqaadir Xasan (Sumaysane) ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Daraawiishata Puntland ee Aaga Gobolka Bari iyo Galgala loo magacaabay, ka dib markii saddex maalmood ka hor la dilay Taliyihii Aagaasi Col. Jaamac Sacid Af-guduud.




 Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Siciid Dheere ayaa War qoraal ah oo uu xafiiskiisa kasoo saaray ku Magacaabay Sumaysane, kaasoo hore mar u noqday Taliye Saldhiga Gaalkacyo.




Maxamed cabduqaadir ayaa Khibrad u leh la dagaalanka Alshabaab, iyadoona uu Alshabaab Dagaalo horay ula galay.
Sarkaalkan cusub ayaa waajahaya dagaal cusub iyo sidii uu gaashaan ugu noqon lahaa Faraca Kooxda Al-shabaab ee Buuraha Goliska, kuwaasoo weeraro soo noqnoqday ka fuliyay Puntland, balse bilihii ugu dambeeyay aan gudaha waxba ka fulin, inkasta oo ay dhawr maalmood uun ka hor khaarajiyeen sarkaalkii hogaamin jiray hawl-galada lagula dagaalamayo ee Gobolka Bari.