Sunday, March 9, 2014

Naftaada Xasuuqa ka daa! Jamaal Abu-giza


Sida aynu wada ogsoonahay cunista qaadku waa aafo qaran oo u baahan in aan ka xorowno isla markaana aan lagalno jihaad adag waayo waxaa uu inagu hayaa xasuuq baaxad wayn oo dhinac walba ah.




Waxaa uu inagala dagaalamayaa garaadkii, dhaqaalihii, aqoontii, tarankii, cibaadadii ilahay aan caabudi lahayn iyo waxyaabo kale oo aad inoogu qaali ah waxaa kale oo uu sababaa dhaqan xumo laxaad badan oo waxaad arkaysaa dhalinyaradii oo kooxokooxo isku raacaysa oo dadka baadhanaysa ujeedada ay ka leeyihiina waxaa weeyi inay soo xaasili yaan lacagtii ay qaad ka siisan lahaayeen.




Hadaba hadaan intaasi kaga tagno hor dhaca maqaalka oo aan guda galno maqaalka aan maanta ugu tala galnay dadwaynaha si aan uga wacyi galino qaadka iyo dhibkiisa ayaa maanta waxaan halkan ku soo gudbinahayaa maqaalkii sadexaad ee ka waramaaya sida uu qaadku ula dagaalamo miyirka qofka cuna isla markaana uga kexeeyo garaadka dabeeto uu kala garan waayo meel uu maraayo iyo waxa uu dhahaayo intaba bal hadaba inagoo taasi sii iftiiminayna ila soco oo eeg qisadan hoos ku taala.




Habeen habeenada ka mid ah ayaan nin reer hargeisa ah ayaa waxaa uu ku soo qayilay suuqa magaalada hargeisa  guri ku yaala oo ay iskugu yimaadan isaga iyo saaxiibadii qaadkana ku wada daaqaan waayo sidaad lawada socotaan qaadku waxaa uu caan ku yahay in dadka cunaa ay kooxkoox uwada fadhiistaan dabeeto markay gaadhaan heer waalida qaadka ka mid ah heerkaasi oo ay u yaqaanaan mirqaan waxay isku hurgufaan nin waliba waxii uu war hayey ka aan war hayna waxaa uu halkaasi ku sameeyaa sheeko been ah si uu uga qayb qaato nacnacda la is waydaarsanaayo.




Ninkii waxaa uu maalintii oo dhan daaqaba waxaa soo galay habeenimo hadana waxaa uu soo qaatay qayb kale oo qaad ah kaasi oo ay ula bexeen qarxis intiina waa dhameeyay hada waxay gaadhay xili hoyashadii  waxaanay isku lug dareen nin ay wada qayilayeen oo saaxiibkiis ah waxay soo wada fuuleen bas xaafadooda loo raaco waxay kaga dageen meel woxogaa xaafada u jirta way soo socdeen markay marayaan meel dhexe ayey arkeen meel gudaafad baco fara badan oo yaala waxaa isla wakhtigaasi dhacaysa dabayl xagaa xoogan waxaa nimankii u baxay ama ay maqleen shanqadhii bacaha oo xoogan waxaa lamooday wax kale ilayn waa niman waalwaalan oo iyaga laftooda ayaaba iska shakisane orod ayaa cagaha wax laga dayey markay yaaceen waxaa iskugu darsantay shanqadhii ay iyagu samaynayeen iyo tii bacaha iyo waliba tii dabaysha xagaaga qiyaastii waxaa layaacay mudo dheer waala xiiqay waanay istaageen xaga danbana way eegeen wax eryanaayana way waayeen jahada loo yaacayna may ahayn jahadii xaafaduhu ka xigeen waana lasoo leexday iyagoo shanqadh tiranaaya hareerahana eegaaya kolba markay dabayshu soo xoogaysatana waa layara boodayaa wax sidii lagu jiraba waxaa dirqi iyo daal lagu gaadhay reerkii waa lakala baydhay oo ninba xaafadiisii ayuu ku leexday nin kamid ah nimankan waashay oo isagu ahaa kan ay bacdu aadka ugu badan tahay ayaa waxaa uu garaacay albaab aan hayn kii gurigiisa oo ay jaar ahaayeen waxaanu u haystaa gurigiisii waa laga furay waxaana ka furay ninkii guriga lahaa oo yara mushaki ama hinaasi ahaa habeenadaana xaaskiisa ay isku haysteen ninbaa guriga soo gala iyo waar shaydaanka iska naar.




Ninka albaabka furay waa feedho qaawan yahay  oo dee dabcan waa nin gurigiisa jooga oo iska raaxaysanaaya sidaa markuu isha qac ugu siiyey ayaa waxaa uu yidhi waar maxaad ahayd intii aanu jawaabin ninkii anbadka ahaa ayaa hadana waxaa uu yidhii haa waan ku gartay imikaad socotaa saw maha  caawa waan kaa soo horeeyey in yar isug  ninkii mirqaansanaa waxaa uu is yidhi isna ninkani waxaa uu kaga soo horeeyay reerkaagii ama tuuga qabo ninka waa uu isku soo maqiiqay isagoo ku qaylinaaya waar duuga qabta tuuga qabta ilayn kan reerka lihina waxaa uu doontay budh kana waa iska waalan yahay oo waa kan iska dhahaaya waar tuuga qabta wax yar ka dib ayaa waxaa ninkii anbad ka ahaa si layaab leh oo lama filaan ah ugu bilaabmay garaacis budh dabada loo qabtay iyadoo lagu dhahaayo ninka aan reerkayga uga tag waayey ee habeen kastaba iiga danbeeyaa waa adiga saw maaha xaqaa ku keenay caawa intaana waa la garaacayaa oo waliba waa laga xoog batay kiina qaylo ayuu afka gacanta gashay isagoo wali isla saxsan oo dhahaaya naa heblaayooy waar hebaloow waar dadku hurda waynaa waar tuuga iga qabta kana waxa uu leeyahay adigaa tuuga waayadanba waan ku raadinaayey qayladii ka baxday ninkii odayga ahaa ee soo qayilay  waxaa isku soo baxay xaafadihii oo hurday dadka soo toosay ee qaylada ku soo yaacay waxaa kamid ah gabadhiisii iyo qaar kamid ah caruurtiisii waa layaabay waar miyaad waalatay hebaloow ninku waa hebalkii jaarkeena  waar shaydaan iska naar isna intaa waxa uu leeyahay waayadanba ninkan waxaan uga tag la,aa xaaskayga caawa ayuu ilahay soo xero gashay kana waxaa uu leeyahay waar tuuga iga qabta gurigayga ayuu xadaayey waa layaabay wana lakala qabtay oo lakala kexeeyay kii soo qayilay waxaa gacanta qabtay xaaskiisii iyo caruurtiisii kii kale mushakiga ahaana guriga ayaa lagu ceshay meesha waxaa ka dhacay ceeb layaab leh subaxii ama wabarigii ayuu ninkii mirqaansanaa soo kacay isagoo markaa miyirkii u soo noqoday waxaana uu gartay inuu xalay waashay ceeb wayna sameeyay gabadhiisii ayaa uu u yeedhay oo dhahay naa ceebaa dhacdaye ceebteena ilahay ha asturee waxaad igaysaan dhakhtar waxaa ku soo baxay nabaradii lagu dhuftay iyo orodkii ka horeeyay ee ay isaga iyo saaxiibkii shanqadha dabayl xagaaga ka yaacayeen iyagoo col moodaaya.




Hadaba bal waxaad iswaydiisaa waxa sababta u ah waxaa soo ceeb ah waxaan shaki ku jirin inuu qaadku sabab u yahay isla markaana uu yahay ka dilaaga ah ee gaysanaaya jariimaadka noocan oo kale ah iyo kuwa ka badan intaba sidaa awgeed waxaan cod dheer ku dhahaynaa qaadku waxaa uu inagu hayaa xasuuqe aan ladagaalano oo iska dhicino si aan uga badbaadno maal ahaan, maskax ahaan, caafimaad ahaan iyo aqoon ahaanba.




 




La soco qaybta danbe




 




W/Q:- JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)