Pages

Tuesday, March 18, 2014

Maxkamdda Gobolka Maroodi-jeex oo xukuntay Rag Khamriga ka Ganacsan jiray


khamriHargeysa(GNA)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Saaka Xukuno Isugu Jira Xadhig iyo ganaax Ku Riday Laba Eedaysane Oo Lagu Soo Qabtay Iyagoo Khamri Soo Galinaya Magaalada Hargaysa




Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun ku riday laba Nin oo ku eeddeysnaa inay khamri soo gelinayeen Caasimadda Hargeysa.




Labadan Nin oo da’doodu kala tahay 35 Jir iyo 23 ayaa la qabtay iyagoo si tuugo ah Khamri ku soo gelinaya Hargeysa, sida ay Xeer-ilaalinta Guud kiiska loo haysto ku soo oogtay.




Khamriga ayaa madnuuc ka ah in Ganacsi ahaan iyo sifo kale toona loo soo geliyo Somaliland.




Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Xuseen Maxamed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay Qaraarka Maxkamaddu ku xukuntay labadan Nin.




Waxaanu yidhi “Maxkamada Hargaysa Saaka Waxa Ay Dhagaysatay Dacwada Ciqaabta Ah Ee Sumadeedu Tahay DD/L286/2014 Dhibane Qaranka Jamuuriyada Somaliland Eedaysanayaa Maxamed Ismaaciil Aadan 35jir Ina Aniisa eedaysanaha 2aad cabdi yuusuf axmed 23jir ina Aamina Kuna Eedaysan qodobka 4aad ee Xeer lanbar 21tan 2002 ee xeerka la dagaalanka mukhadaraadka qodobka 71 ee ciqaabta guud iyo Ayaada 90naad ee suuratul Maa’ida.




Maxkamadu iyada oo hab-raacaysa qodobka 103 ee xeerka ciqaabta guud waxa ay u akhriday edaysanayaasha una sharaxday saddexda jawaabood ee ay ku jaabi karaan eedaysanayaashu,eedaysanaha kowaad waxa uu maxkamada horteeda ka qirtay inuu isagu siday khamriga galayna danbigaas,ka labaadna waxa uu sheegay inuu isagu rakaab ahaa isla markaana waxa ku cadeeyey askartii kusoo qabatay hawl-galkaasi,maxkamadu marka ay aragtay cadaynta hortooda taala oo ah 35 shirkaan oo khamri ah.




 




               




Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamada Ayaa Waxa Uu Sheegay Maxkamadu Iyada Oo Cuskanaysa Xeerka Ciqaanta Guud Waxa Ay Soo Saarta Xukunkan”Maroodi jeex hargaysa xukunkii maxkamadu waxa ay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Maxamed Ismaaciil Aadan 35jir Ina Aniisa sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah Eedaysanaha 2aad Cabdi Yuusuf Axmed 23jir Ina Aamina sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah qodobka 2aad maxkamadu waxa ay isna xuku u riday gaadhigii seerafka ahaa ee siday khamriga shan boqol oo ganaax ah.




 




               




Dhinaca kale  Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdi Raxmaan Liibaan Fooxle oo xukunka lagu riday ragan ka hadlay ayaa yidhi ”Halkan Maanta waxa ay maxkamadu ku xukuntay Khamri ay soo qabteen ciidanka boolisku oo dhan kun iyo kontan litter oo khamri ah waxaana soo qabtay saldhiga faro wayne ee qabta galbeed waxaanan aad ugu mahad naqaya ciidanka booliska ee ilaaliya shuruucda dalka utaala waxaana aad u amaanaya taliyaha saldhiga galbeedka iyo ciidankiisa ee hawl galka adag ugu jira sidii ay dalka ugu bad-baadin lahayeen mukhadaraadka iyo xashiishada.




Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Aadan salaad oo ah  ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, iaagoo sheegay “halkan waxaan ugu mahad naqayaa ciidankii soo qabtay khamriga iyo maxkamada xukuntayba waxaanada arkayseen in khamrigii ladaadiyey ka diban la gubay waxaana usoo jeedin lahaa dadka waxaas ku dhaqma in ay ka wantobaan waxaana ciidanka iyo taliye ku xigeenkaba ku amanayaa sida wanaagsan ee ay arinta isugu xil-qaameen waxaana eedaysanayaashan ku xukunay una cuskanay qodobka 4aad ee Xeer lanbar 21tan 2002 ee xeerka la dagaalanka mukhadaraadka qodobka 71 ee ciqaabta guud iyo Ayaada 90naad ee suuratul maa’id”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com