Maxkamadda Sare ee Ciidammada Somaliland, ayaa maanta Xabsi Madaxaa ha ku furto ah (Xabsi-daa’im) ku xukuntay Taliyihii hore ee Saldhigga Booliska Daloodho ee magaalada Hargeysa Maxamed Aw Cabdi Jaamac
Qoraal ka soo baxay Maxkadda Sare ee Ciidammada ayaa lagu sheegay inuu ku caddaaday Dembi ah Dil uu kula kacay Marxuum Cabdiraxmaan Cawil Xasan Xuseen 16 jir ahaa. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka Somaliland Xasan Aadan Sugulle, waxa uu u dhignaa sida:-
“Maxkamada Ciidanka Qaranku waxay soo saartay Xukunkan Maanta oo Taariikhdu tahay 03/02/2014, kaas oo Xabsi Daa’im lagu xukumay Gacan-ku-dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhigga Daloodho, oo dilay Marxuum Cabdiraxmaan.
Cawil Xasan Xuseen oo 16 jir ahaa Magaca Hooyadiina la yidhaahdo Kawsar Good Iimaan markii taariikhdu ahayd 31/8/2012.”