Pages

Monday, March 24, 2014

Maxkamad ku taal Masar oo dil ku xukuntay 529 ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin


Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa maanta dil ku xukuntay ilaa 529 ruux, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.




 




masar




 




Go’aankan ay gaartay Maxkamad ku taal deegaanka Munya ayaa ka dambeysay markii la dhageystay dacwadahan ragan eedeysanayaasha oo taageersan Madaxweynihii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi.




Qareenada ragan u doodayay ayaa sheegay in aanan la siin wax fursad ah oo ay kaga jawaabi lahaayeen eedeymaha loo heystan dadkan la xukumay.




Eedeymaha dadkan loo heystay ayaa waxaa ka ahaa weeraro dhacay bishii Agosto ee sanadkii hore, xilligaas oo dowladda Masar xoog ku kala dirtay taageerayaashii Madaxweynihii xukunka laga tuuray.




Mas’uuliyiinta Masar ayaa olole ku qaaday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, tan iyo markii milateriga uu xukunka ka tuursay Maxamed Mursi, iyadoo intii ololahaas socday la dilay boqolaal ruux.




Xabsiyada Masar ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin oo ay ku jiraan madaxdooda sar sare.