Sunday, March 16, 2014

Maraykanka oo Saddex ka mida Saraakiisha Al-shabaab $3 Milyan xogtooda siisanaya


Muqdisho(GNA) dowlada Mareykanka ayaa ku yaboohday lacag la siin doono qofkii keena xog ku saabsan sadex nin oo ka mid ah saraakiisha kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.




Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir, Yaasiin Kilwe iyo Jacfar ayey waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanku madaxooda dul dhigtay aduun dhan 3 milyan oo dollar oo la siin doono qofkii keena warbixin lagu qaban doono si loogu qaado dambiyada ay galeen.




Aqalka cad ayaa aaminsan in sadexdaan nin ay masuul ka ahaayeen weeraro qasaarooyin dhaliyay oo ay Al Shabaab ka fuliyeen wadamada Kenya,Uganda iyo Somalia.




Sida ay sheegtay waaxda arimaha dibbada ee Mareykanka Cabduqaadir ayaa Al Shabaab dhalin-yarada uga qora gudaha dalka Kenya ,halka Jacfar uu isaga ku xigeen u yahay.




waxaana Yaasiin Kilwe lagu sheegay madaxa Al Shabaab ee Deegaanada Puntland.