Newyork(GNA)- Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka baxday dhamaan heshiisyadii dhanka militeriga ee u dhexeeyay Dalka Ruushka.
Go’aankan ayaa soo baxay ka dib dood adag oo dalalka Ruushka, Ukraine iyo Maraykanka ku dhex martay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay.
Maraykanka ayaa si cadho leh uga soo horjeestay faro gelinta Milateri ee Ruushku ka sameeyay Ukraine.
Ruushka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ukraine ee xilka laga tuuray uu ka codsaday inay ciidan u diraan dalkaasi,
Wakiilka Ruusha u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Vitaly Churkin ayaa soo bandhigay warqad uu sheegay inuu soo qoray madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovych.
Wakiilka Ukraine u fadhiyo Qaramada Madoobay ayaa sheegay in Ruushku ay dalkaas geeyeen ilaa 16,000 oo askari.
Ciidammada Ukraine ayaa isku deyaya inay hor-joogsadaan Milatriga Ruushka ee ku hareeraysan gobolka Crimea oo ay haatan si buuxda ula wareegeen.
Xaaladda Gobolka ayaa u muuqata mid marba marka ka dambeysa sii xumaanaysa oo xiisad diblo maasiyaddeed hurinaysa.
Wadamada Yurubta Galbeed qaarkood oo uu ka mid yahay Ingiriisku ayaa ka aamusan xiisada ka oogan dalkaasi.
Ingiriiska ayaa u muuqda inuu dhex dhexaadnimo u muujinayo dhinacyada Ukraine iyo Ruushka oo Maal-qabeeno waaweyni ka joogaan dalkiisa.
Hase ahaatee waxa la aaminsanyahay inaanu marna ka soo horjeesan doonin Hindisaha xulafada reer Galbeedka ee Maraykanku ka leeyihiin Waddankan kala qaybsan ee qul-qulatooyinka siyaasaddeed hadheeyeen.