Pages

Tuesday, March 11, 2014

Manchester United Oo Dooneysa Inay Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqdo Vermaelen.


Thomas-Vermaelen-ArsenalKooxda Manchester United ayaa dooneysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo daafaca dambe Ee kooxda Arsenal ahna kabtankoda Thomas Vermaelen, sida ay baahisay The Sun.




 




David Moyes ayaa daafacan doondoonayay kahor inta uusan xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bishii january , wuxuna haatan u arkaa badalka kaliya Ee ku haboon booska uu baneeyay difaaca reer Serbia Nemanja Vidic.




 




Manchester United ayaa dooneysa inay Arsenal u gacan galiso aduun lacageed gaaraya 12 milyan oo Ginni si xilli ciyaaredka soo socda uu xiddigan uga soo muuqdo Old Trafford, waxana suura gal ah in Man United ay xiddigan hesho hadii uu boos joogta ah ka sii waayo kooxda Arsenal.




 




Tababare Arsene Wenger ayaa xiddigan ka door biday daafaca reer France Laurent Koscilney iyo daafaca xulka Germany Per Mertsacker, doondoonista Man United Ee ku adaan Vermaelen ay imaaneysa kadib markii xiddigan uu boos joogta ah ka waayay kooxda kowaad Ee Arsenal, waxana inbadan la hadal hayay inuu xagaaga iskaga tagi doono Emirates.