Weeraryahanka reer Argentina oo ku rajo weynaa in todobaadkan bartamahiisa uu kasoo muuqdo kulanka Manchester Derby ee dhex mari doono Man United Vs Man City ayaa la xaqiijiyay in Sergio Aguero uusan kulankan xiisaha badan soo xaadiri doonin.
Aguero wuxuu ku dhaawacmay kulankii Man City la cayaartay kooxda Barcelona balse dhaawaciisa ma ahan mid cusub madaama muruqiisa uu ku ragaaday dhaawac isdaba joog ah waxaa lagu rajo weynaa hadii uu nasiino qaatay inuu kooxdiisa ka caawin karo sidii ay Man United kaga badin lahaayeen madaama kulankan xiisaha badan ka dhici doono garoonka Old Trafford arbacada nagu soo fool leh.
Macalin Manuel Pelligrini ayaa arinkan Aguero ka hadlay wuxuuna yiri “maya maya Sergio ma heesto fursad uu kaga soo muuqan karo Manchester Derby sidoo kalena xaalkiisa ma wanaagsano balse waxaan rajeynaa in todobaadka dambe uu tababarka kooxda kusoo biiri doono”
Sergio Aguero oo ah xidiga ugu goolasha badan kooxda Man City xili cayaareedkan sidoo kalena doorkiisa si wanaagsan u qaato marka u garoonka ku jiro ayaa dhankiisa barta Twitter-ka ku muujiyay sida uu uga xun yahay inuu seegi doono kulanka Manchester Derby balse xidigaha kooxdiisa wuxuu ku booriyay inay kulankan adag ku guuleestaan sidoo kalena halganka ay ugu jiraan ku guuleysiga aysan daciifinin.
Inkastoo Aguero kooxdiisa ka maqnaan doono waxaa lagu wadaa in booskiisa ay buuxiyaan weeraryahanada kala ah Eden Dzeko iyo Alvaro Negredo waxayna City maanta garoonkeeda Etihad ku qaabili doontaa kooxda Fulham kulanka tirsan Premiership-ka.