Dawladda Ingiriiska oo Todobaadkan ku celisay Digniinta amniga Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxda Ciidamada Amniga gudaha iyo Difaaca la xisaabtami la’..
Hargeysa(GNA)-Wali waxa tagaan walaaca dawladda reer Galbeedku ka muujinayaan amniga Somaliland, kaasoo digniinno isku xi-xigay ay ka soo saareen labadii bilood ee ugu dambeeyay iyo dhawr jeer oo hore.
Tani waxay mujtamaca Somaliland ku noqotay arrin ay aad uga xumaadeen, islamarkaana u arkeen dacaayad riqiis oo sumcadda waddankooda lagu waxyeelaynayo.
Waayo, dadka reer Somaliland waxay aaminsanyihiin inaanay wax saameyn ah ku lahayn dalka kooxaha xag jirka ah ee dagaalada ka wadda Koonfurta Soomaaliya.
hase ahaatee jiritaanka habacsanaan dhanka maamulka ah oo ka muuqata Hay’adaha amniga, sida Bilayska, Ciidanka Qaranka iyo laamaha Sirdoonka ayaa qayb ka ah dareenka duwalka reer Galbeedku ka muujinayaan Nabad-gelyada.
Digniintan ugu dambeysay ayaa tilmaamaysa inay hanjabaaddo joogto ah ku hayaan Kooxaha Argagixisadu danaha ay ku leeyihiin Somaliland, taasoo sabab u ah ama qayb ka ah bayrta iyo baqaha dawladdahan.
Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo, ayaan ilaa hada wax talaabo ah oo wax lagaga qabanayo cabsidan qaadin, waxaanad moodaa in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) indhaha ka qarsanayo ka jawaabista fariimaha diblomaasiyadeed ee Dawladdaha waaweyn.
Madaxweynaha ayay ahayd inuu qaado talaabo deg deg ah oo uu wax kaga bedelayo Maamulka Hay’adaha amniga, sida Bilayska , Milateriga iyo kuwa kale ee daba galka, si loo dardar geliyo shaqada iyo talisyada ciidamad.
Taliyeyaasha labada Ciidan ee Milateriga iyo Bilayska ayaa xilalka hayay intii amaanka Somaliland laga dayrinayay, waxaanay taasi muujinaysaa inay ku fashilmeen Taliyeyaashu inay damaanad buuxda ka bixiyaan heerka nabad-gelyada.
Dhinaca kale, gol-daloolooyin maamul oo aan indhaha laga qarsan Karin, ayaa hadheeyay Taliyeyaasha labada Ciidan ee Bilayska iyo Milateriga, taasoo u baahan in madaxweynuhu si deg deg ah hoos ugu eego, waxna ka qabto.
Laakiinse hadii uu sidan kaga aamuso mugdiga Dawladda Ingiriisku gelisay Amniga waddanka , kaasoo ay laba cisho ka hor dib u cusboonasiisay waxay u muuqanaysaa masuuliyad daro qaran oo madax iyo Minjo gaadhsiisan.
Maxaa yeelay?dadka ku xeesha dheer arrimaha nabad-gelyadu waxay jawaabta cabsida amni ee Ajaanibka Somaliland ka sugayaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo ka filayaan inuu qaado talaabo uu ku faro gelinayo habacsanaanta Hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa Dibada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com