Pages

Friday, March 21, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Hambalyo u diray Shacbigiisa.Warsaxaafaddeed


Wuxuu bogaadiyay sidii loogu soo dhaweeyay Gobollada uu booqday, laakiinse wali raali gelin muu u dirin kuwii uu u jaray




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa(GNA)-War qoraal ah oo caawa laga soo saaray aqalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo fariin Hambalyo ah u dirayo shacbiga Somaliland, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaalkiisii Gobollada qaar.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqasho ku tegay inta badan Gobollada dalka, marka laga reebo Afar gobol oo kala ah Sool, Daad-madheedh, Buuhoodle iyo Hawd, kuwaasoo aan ilaa hada la garanayn sababta uu uga shuucay, maadaama oo uu booqday dhamaan gobollada kale ee dalka.




Warsaxaafaddeed caawa laga soo saaray aqalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Hambalyo iyo bogaadin u dirayo dhamaan dadkii sida diiran ugu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeysa ilaa deegaamadii kale ee uu booqday.




Soo dhaweynta loo sameeyay ayaad moodaa inay madaxweynaha farxad aanu filayn ku abuurtay, waxaana qoraalka uu soo saaray lagu sheegay inuu u ducaynayo Shacbiga Somaliland oo dhan.




Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) isaga oo ku hadlaaya afkiisa Afka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo Afka Weftigii Qiimaha badnaa ee uu hogaaminaayey kuna wehelinaayey Safarkii dheeraa ee Mudada 10-ka Cisho qaatay ee la magac baxay Hillaacii Xeebaha Somaliland, waxa uu Hambalyo u dirayaa Dhamaan Bulshada reer Somaliland, meel ay joogaanba haddii ay noqon lahayd kuwa ku dhaqan Gobolada iyo Xeebaha uu madaxweynuhu soo maray iyo hadii ay noqon lahayd kuwa kala socday Warbaahinta ee ku dhaqan qaaradaha Aduunka iyo Dalkaba.




Hambalyada Madaxweynuhu u diraayo shacbiga ayaa ah mid la xidhiidha sidii diiranayd ee Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba loogu soo dhawaynaayey iyaga oo muujinaaya dareenkooda Muwaadin-nimo, Madaxweynahana ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu ugu badheedhay safarka dheer ee uu ugu kuurgelaayey sidii uu xogolaal ugu noqon lahaa waxay ku sugan yihiin shacbiga uu hogaaminaayo meel ay joogaanba.




Madaxweynaha oo ku soo guryo noqday maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu 10-03-2014 uga baxay Galbeedka Somaliland 20.03.2014 kana uu ka soo galay Bariga Somaliland markii uu ka soo wareegay Xeebaha Somaliland,ayaa si gaara ugu mahadnaqayaa shacbiga sida wayn u soo dhaweeyey ee u taagnaa wadooyinka sidii ay madaxweynaha u soo dhawayn lahaayeen.




Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland Illaahay uga baryayaa inuu ku simo bash-bash, barwaaqo, iyo Rayn-rayn inay ku gaadhaan kuna noolaadaan ilaashadaana nabadgelyada iyo xasilooninada Somaliland maanta ku naaloonayso una saamaxday in weftiga Madaxweynuhu si nabada ugu soo wareego meelo dalka intiisa badan ka mida”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com