Maydh(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaadhay degmada Maydh ee Xeebta Gobolka Sanaag caawa, halkaasoo sida lagu soo waramayo ay u hoyden.
Waa mid ka mida Magaalooyinka ugu faca iyo Taariikhda weyn Deegaamada Xeebta Somaliland ee Waqooyiga iyo Galbeedka.
Weftiga ayaa saaka ka ambo baxay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaayeen.
Weftiga ayaa tan iyo Maanta dhexda ku sii jiray waxaanay safar ku sii mareen Jidka Rafka ah ee Xeebta mara, halkaasoo ay rafaad badan kala sii kulmeen, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo weftiga la socdaa.
Masaafadda ay socodka ku sii jireen ayaa noqonaysa ilaa saddex boqol iyo Konton KM oo Xeeb iyo dhulka Guban iyo Gaddoobka isugu jira ah, waxaana la sheegay inay deegaamo kala duwan sii mareen oo lagu soo dhaweeyay, sida aanu wararka ku helnay.
Magaalada Maydh oo u ku duugan yahay Sheikh Isaaqa ayaa ka mida Magaalooyinka ugu qadiimisan Xeebaha loo yaqaano Maakhir Caost,waxaana ka dhisan Deked la dhisay waqtigii Guumaystaha Ingiriisku, isla markaana ay wax uga soo degi jireen Gobolada Woqooyi ilaa wakhti dhow oo xiligii Dawlada Somaliya ahayd.
Waxa soo gasha Waddada ka tagta Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo, taasoo sii marta buuraha aadka u dhaadheer, ee uu caanka ku yahay Gobolka Sanaag ee Daallo Iyo Surade, Wadadaas oo magaceeda layidhaahdo Tabca.
Jidkan ayaa waxa Dhisay Askartii talyaaniga ee lagu qabtay dagaalkii dhex maray Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa ku yaala Tunelka ugu dheer Somaliland, sidoo kale waa wado leh hal Haad oo keliya isla markaan aanay suurta gal ahayn in ay isku dhaafaan laba baabuur meeleha qaar kooban mooye .
waxaa ku yaala tobaneeyo tuulo oo beeralay u badan waxa ka baxa Liinta iyo Jaadka oo hatan aan aad loo beerin,
Dawlada Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inaanay samayn wax qorshe ah oo ay u dejisay, Horumarinta xeebahaasi iyo degmadan toona, iyadoo muddo sanaddo kooban uun laga joogo ay dadka deegaankaasi ka cabanayeen baahiyo badan.
Bulshada ku dhaqan degmadan ayaa gacan weyn ka geysta la dagaalanka budhcad baddeeda ee Xeebahaasi, laakiinse taas bedelkeeda wax badan lagama qaban oo la taaban karo.
Dadka deegaanka ayaa weftiga Madaxweynaha ka filaya waxqabad dhab oo inta aanu dhaafin dhabaystiisa meel laysla dhigo, waxaaana la filayaa inuu dhawr mashruuc madaxweynuhu halkaasi ka sii dhagax dhigo, maadaama ay tahay markii ugu horaysay ee uu deegaamadan booqasho ugu tago.
Inkasta oo qorshihiisa ugu weyn ee Socdaalku ku aadanyahay Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Si kastaba ha ahaatee ma jiro ilaa hada wax war rasmiya ah oo laga helay weftiga iyo Sawirro toona.
Kala soco halkan wixii war iyo wacaalba ka soo kordha…