Boosaaaso(GNA)-Madaxwaynaha Dawlada Puntland Md. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa ku guddo jira Safar uu ujeeddadiisa ku sheegay dib ugu laabashada Dadka Reer Puntland ee Taageeradda u muujiyay xiligii uu Ololaha ku jiray.
Madaxwaynaha Dawlada Puntland ayaa Socdaal dhanka Lugtaa ku galay Boosaaso, iyadoona Dadbadan oo reer Boosaaso ah ay ka qayb-galeen soo dhawayntiisa.
Imaanshiyaha Madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyay Amaanka, waxaanu degay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, halkaasoo uu warbaahinta kula hadlay.
Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u gudbo deegaamada dhinaca Gobolka Sanaag, halkaasoo xiisad dhanka soohdinta ah oo uu dhaxaysa Somaliland iyo Maamulkiisu ka taagantahay.
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com