Madaxa xidhiidhka kubada cagta Ingariiska Greg Dyke ayaa farta ku fiiqay Arsene Wenger isagoo ku eedeeyay inuu sabab u yahay burburka riyada England ee Koobka Adduunka.
Sida ay qortay Daily Mirror Dyke ayaa sheegtay in dabciga tababaraha Arsenal ee ku aadan ciyaartoyda da’da yar inay tahay inuu neefta ku celinayo tayada soo baxeysa ee xiddiga yaryar ee England.
Waxaana uu sheegay inay taasi sabab u tahay in seddex meelood meel ay ciyaartoyda ka ciyaarta Premier League u yihiin Ingariis.
Dyke ayaa yiri: “Waxa ay arintaan isagu soo biyo shubaneysaa labo fekradood oo iska soo horjeeda, fekerka Arsene Wenger ee odhanaysa ciyaartoyda da’da yar maa kuwa tayo fiican leh iyo fekrad kale oo odhaneysaa tayo waa ay leeyihiin, laakiin waxaa jirta caqabad.
”Sida iska cad kooxaha qaar caqabad ayaa ka jirta oo ah in da’ yarta aan la siinin khibrad ku filan oo ay kaga ciyaaraan horyaalka ugu fiican adduunka.”