Muqdisho(GNA)-lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiic caawa fiidkii lagu soo tuuray qaybo ka mida magaalada Muqdisho oo cabsi badan dhaliyay.
Goobo ka mid ah xaafado ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Waabari, aaga waddooyinka Makah Al-Mukarama iyo Shaqaalaha, ayaa lagu riday dhawr madfac iyo qaraxyo is wata.
Madaafiicda kaddib waxaa waddooyinka Muqdisho buux dhaafiyay ciidamo fara badan kuwaasoo foyijignaa ay ka muuqato waxaana ay baarayeen gaadidka dadweynaha.
Intii madaafiicda ay socdeen dadka ku dhaqan xaafadaha ay madaafiicda ku dhacday ayaa la arkayay iyagoo raad sanaya dhismooyinka shubka si ay uga badbaadaan madaafiicda caawa laga maqlaayo magaalada Muqdisho.
Goobaha madaafiicda ay ku dhaceen waxa ka mid ah meel ku dhow dhisma cusub ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo ku taalla waddada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyda madaafiicda caawa lagu soo weeraray Muqidsho.
War lagu qoray Idaacada ku hadasha afka Shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiicda lala damacsanaa in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ma jirto cid dawladda ah oo ka hadashay weerar.