“ma doonayno inaanu fanka uga faa’idaysano Mucaaridka ee waxaanu kaga qayb qaadanaynaa Madaxweyne dhismaha Qaranka,laakiinse waxa nagu khasbaya Maareeyaha”Warsaxaafaddeed
Hargeysa(GNA)-Soo saareyaasha iyo Jileyaasha Barmaamujka Xaqiiqda Fanka ee Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa Maareeyaha Telefishankaasi ku eedeeyay inuu ka joojiyay Barmaamujkaasi oo ay si todobaadle ah u soo bandhigi jireen.
Barmaamujka Xaqiiqda Fanka ayaa lagu lafa guuraa geedi socodka Fanka Soomaalida ilaa xili hore, waxaana qaabeyntiisa iyo isku duba ridkiisa ka qayb qaadan jiray Jileyaal waaweyn iyo khibradyahano faneed.
Qoraal cabasho ah oo ay soo saareen oo cabasho ah, kaasoo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Gobanimo news ayaa lagu sheegay in Maareeye Khadar Cali Gaas baahinta Barmaamujkooda ka door biday kuwa Lacagta laga qaado ee aan macnaha buuran Bulshada u samaynayn.
Fanleyda ayaa Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu arrintan soo faro geliyo, isla markaana uu soo kala gaadho iyaga iyo Maareeyaha, hadii kale ay barmaamujkooda ula wareegi doonaan meello kale.
“ma doonayno inaanu fanka uga faa’idaysano Mucaaridka ee waxaanu kaga qayb qaadanaynaa Madaxweyne dhismaha Qaranka”ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen.
Waxaanu isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan: “Madaxweyne Waxaanu nahay kooxda Xaqiiqada Fanka,. Waxaanu in muddo ah dedaal ugu jirnay in aanu hanaan wacyi-gelin ah ugu shaqayno Qaranka oo doorkayaga ka qaadano dedaalada socda.
Waxaana hawl-galkaygu wacyi-gelinta iyo maaweelinta bulshadda aanu uga jeednay in aanu soo noolayno fanka oo dhalinyaradda ku habno murtidii hore iyo muusiga maanta labadaba.
Hanaan todobaadle ah ayaanu barnaamijkaas uga sii deyn jirnay TV-ga Qaranka, laakiin, barnaamijkii waxaa uu ka socon waayay oo diiday maareeyaha TV-ga Qaranka oo qiyaastii ay uga dooroonaadeen barnaamijyadda aan faa’iidada badan ummada u lahayn, balse dhaqaalaha lagaga qaato dadka sita kaga door roonaaday kuwii waxtarka lahaa.
Ta kale, Fanku waxaa uu noo yahay hawl-maalmeed iyo hibo aanaan joojin karrin.
Laakiin, ma doonayno in aanu hanaan mucaaradad wax dumisa ah u adeegsano, sidda uu nagu riixayo maareeyaha TV-gu oo aanu u aragnay inuu doonayo in aanu dawladdii aanu dhisaynay ku dummino oo dhinacyo aan jeclayn horumarka dalka uga faa’iidayno marka uu naga horjoogsaddo halkii aanu marin lahayn.
Ugu danbeyn, Madaxweyne waxaa aanu jecelahay in madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto’e, in aad nooga jawaabto’ su’aasha ah ma siyaasadda xukuumadda ayay ka mid-tahay in la niyad-jabiyo murtida iyo madadaaladda oo waad kula socotaan talaabooyinka ka dhanka ah kobcinta suugaanta Maareeyaha tv-ga Qaranka Somaliland.
Haddii ay jawaabtu haa ama aamus-naan noqoto, waxaa ay noqonaysaa in aanu shaqadayadda halkii ay ku soconaysaba ka baahino oo iyagana danahoodda u fullino, haddii ay tahay mayana waxaa aanu sugaynaa jawaabtaadda.
Waad mahadsantahay mudane Madaxweyne.
Qore: Maxamed Miyir Xaaji”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Telefishanka Qaranka khaasatan Maareeye Khadar Cali Gaas oo ay kooxdu si gaar ah u eeddeysay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com