Thursday, March 13, 2014

Maalgalinta Mashaariicda Dhismaha Wadooyinku Waa Talaabo S/land Hore U Qaaday Oo Xoojinaysa Dhaqaalaha Dalka


By. A/Kayse Cali




 




Dhawrkii bilood ee u dambeeyey waxa dalka dardar xoog leh ku socda olole lagu dhisayo wadooyin laamayo cusub ah oo isku xidhaya magaalooyinka Somaliland iyo kuwo hore oo jiray oo lagu samaynayo dib u dhis balaadhan.




 




Mashaariicdan horumarineed ee ka curtay gobolada bariga iyo galbeedka Somaliland oo ay isla kaashanayaan dhisidooda shacabka iyo dawlada ayaad wakhti xaadirkan moodaa in bulshada deegaamada Somaliland ku dhaqani ay ku tartamayaan ama ay iskugu faanayaan dhismaha wadooyin casriyeysan oo laamay ah.




 




Dhismaha wadooyinku maaha kuwo hawl yar oo si fudud lagu dhisi karo, mana jirto dawlad ku taala Geeska Afrika oo kaligeed ku dhiiran karta oo awood u leh inay maalgaliso mashaariic dalka lagaga dhisayo wadooyin laamayo ah, iskaba daa dall ama dawlad aan wali la aqoonsan isla markaana aan wax soo saar badan lahayni inay hirgaliso mashaariic intaa leeg oo ay ku baxayaan Malaayiin dollar.




 




Waxa hirgali karka marka la doonayo in la fuliyo barnaamijyada caynkaas oo kale ah marka ay jirto bulsho shaqaynaysa (functioning community & society) oo inta ay qaadhaan iska soo ururiyaan doonaya in deegaankooda loogu dhiso wado ku xidha deegaamada kale ee dalka ee ay wadaagaan isku socodka dhaqdhaqaaqyada dhinaca ganacsiga ama dawlad dhaqaalaheedu wanaagsan yahay oo dakhligeedu ka badan yahay kharashkay gasho.




 




Horumarinta Wadooyinku waxa ay ka mid yihiin jidka loo maro kobcinta dhaqaalaha (economic growth) waxaanay sidoo kale gacan ka geystaan kor u qaadka nolosha bulshada iyagoo sahla in si fudud loo gaadho deegaamada laga soo sheego masiibooyinka, oo gurmad laga galo sidii ay u heli lahaayeen caafimaad iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee waxbarashadu ka midka tahay.




 




Dhisida iyo dib u casriyeynta wadooyinka, Dekedaha iyo Madaaradu waxa ay lagama maarmaan u yihiin dhaqaajinta qaybaha dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin wax soo saarka Beeraha, Warshadaynta, Shidaal baadhista iyo dalxiiska, waxaana hubaal ah hadii la helo horumarinta qaybahaasi in la gaadhi doono ujeedooyinka Somaliland ay ku doonayso inay hoos ugu dhigto heerka saboolnimada, lana heli doono koboc dhaqaale joogto ah iyo bulsho horumarta.




 




Dedaalada wax qabsi ee hadda bulshada Somaliland ka soo ifbaxay ayaa la odhan karaa waa mid ay ku dhiiradeen markii ay heleen xukuumad ku hagta taabo galinta wax qabsi lagaga maarmo gacan hoorsiga wadamada shisheeye ee isku filaanshaha gaadhay.




 




Gabogabadii, bulshada Somaliland waxa looga baahan yahay sidii gobol iyo degmo kastaaba ay ugu tartami lahayd wixii wax-qabsi horumarineed ah ee ay qabsan karaan bulsho kasta oo deegaan ku wada nooli, iyagoo isku gaynaya muruqooda iyo maalkooda si ay uga midho dhaliyaan horumarinta deegaamadooda.




 




Xukuumada Somaliland waxa iyadana looga baahan yahay siyaasad iyo qorshe ay u dajiso shacabka u heelan inay wax qabsadaan oo ay sii wado hogaamintaa hufan, isla markaana xukuumadu ay iska ilaaliso inay musuqmaasuqdo qaadhaanka yar ee ay isku soo ururiyeen shacabku ee ay ku doonayaan in wadooyin tayo leh loogu dhiso.




 




By. A/Kayse Cali




+0633516882