Thursday, March 13, 2014

M. Siilaanyo oo Caawa Berbera ku hoyday, Dekedda Lughayana Maanta dhagax dhigay


IMG_1903 (1)Berbera(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa caawa fiidnimadii gaadhay Magaalo xeebeedka Berbera, ka dib markii uu gelinkii dambe ee Maanta ka baqoolay Magaalada Lughaya ee Xeebta Galbeedka, halkaasoo uu dhagax dhigay Deked cusub oo laga dhisayo.




Weftiga Madaxweynaha ayaa maray Waddada Xeebta marta ee isku xidha Galbeedka iyo Bariga, halkaasi ka bilaabay safar dheer oo sida uu ku tegayo Deegaamada Barriga dalka.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadweynaha reer Lughaya iyo Bulshada Gobolka Awdal ku bogaadiyay dhismaha Dekedda Lughaya oo uu dhagax dhigay, taasoo  noqonaysa Dekedda Saddexaad ee Somaliland.




Dekedda Lughaya ayaa waxa dhisaya Urur Bulsho oo magaciisa la yidhaahdo ARDAA, kaasoo qaadhaanka lagu bilaabayo ka helay dad ka soo jeedda Gobolka oo ay qurbo-joogu ka mid yihiin.IMG_1894




 



Xukuumadda Somaliland ayaa wax door ah ku lahayn dhismaha Dekeddan, waxaase madaxweyne Siilaanyo uu balan qaaday maanta inay qayb lixaad leh ka qaadanayso xukuumaddu hir gelinta Marsadan.




“madaxweynuhu wuxuu balan qaaday inay xukuumaddu ka qayb qaadanayso dhismaha Dekedda, dadweynuhuna way soo dhaweeyeen, taasoo ah arrin ay aad ugu farxeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida waxgaradka Deegaanka oo khadka Telefoonka noogu waramay.IMG_1896




 



“inkasta oo aanu madaxweynuhu wax cayiman aanu balan qaadin, hadana dadku waxay soo dhaweeyeen ogolaanshiyaha uu aqoonsaday dhismaha Dekedda”ayuu hadalkiisa raaciyay.IMG_0241 IMG_0248 IMG_0253




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com