Borama(GNA) Dhul beereedka degmada Lughaya ee gobolka awdal, ayaa waxa khasaare balaadhan gaadhsiiyay Ayax tiro badan oo ku fadhiistay dhawaan.
Ayaxan oo raxan raxan u wada socda, ayaa dhul daaqsimeed baaxadle ku degay isla-markaana idleeyay dhul daaqsimeedkii xooluhu u foofayeen ama daaqayeen, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Aw Nuur oo saxaafadda la hadlayey.
Gudoomiye ku xigeenka degmada lughaya iyo qaar ka mid ah xildhibanada golaha deegaanka ee lughaya oo iyagna ka hadlay ayax ku habsaday dhul beereedka degmada lughaya ayaa waxa ay baaq uu direen xukumada Somaliland iyo hayada ku shuqul leh in ay soo gaadhaan dhul daaqsimeedka uu ayaxu ku dagay oo baaxad weyn leh isla markaana dhibaato ku haya xoolaha deegaankaas ku nool.
Si kastaba ahaate hadii ayaxan laga cidhibtiri waayo dhul daaqsimeedka degmada lughaya ee uu ku fadhiistay ayaa waxa uu noqon doona mid dhibaato iyo xaaluf ba’an uu gaysta guud ahaanba dhul beereedka degmada lughaya.
http://youtu.be/jYRUPkV63GQ?t=32s