Sunday, March 16, 2014

Laba qof oo ku dhintay Koranto suuqa ku qabsatay Wajaale


Wajaale(GNA)-Laba qof ayaa ku dhintay Magaalada xuduudka ku taala ee Togwajaale, ka dib markii ay qabsatay Korantada Magaaladaasi u baxda.




Laydhka ayaa qabsaday labada qof ee dhintay,iyagoo suuqa dhex maraya, ka dib markii ay dabeylo soo daadiyeen xadhkahaasi sida ay Goob-joogeyaal Gobanimo u xaqiijiyeen.




Labada qof ayaa midkood Gabadh tahay, waxaana shilkan ka gadooday dadweynaha Magaalada ku dhaqan oo ku soo uruuray xarunta Shirkadda Nalka qaybisa ee Magaalada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amniga iyo kuwa Maamulka dawladda ee deegaanka oo la xidhiidha shilkan oo sida muuqata si kama ah u dhacay.




Xadhkaha laydhka iyo Telefooonadda ee qayrul Masuulnimada ah loo mariyo Magaalooyinka dhexdooda ayaa halis badan ku haya bulshada, iyadoo khasaaraha soo ka dhashaa soo noqnoqdo.




Sidaasooy tahay dawladda ayaan ilaa qaadin talaabo lagu xakamaynayo nidaamka Xadhkaha Laydhka iyo Talefoonadda loo mariyo meelaha magaaladda dhexdeeda ah oo ay khatar nololeed iyo mid dhaqaaleba ku xeerantahay.




Magaaladda Wajaale ayaa ah magaalo muhiimad weyn u leh Ganacsiga Somaliland, waxaana ku yaala goobo Ganacsi oo waaweyn.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com