Tuesday, March 25, 2014

Kastamka Berbera oo joojiyay qabashada Jeegga Cashuur bixinta ee Baanka Dawladda


Ismaan-dhaaf ka dhex aloosan bangiga dhexe iyo Wasaaradda maaliyadda oo sababay wada shaqayn la’aan iyo in Cashuurta laga leexiyo Qasnadda Dawladda..




Khilaafka ban iyo mal,Hargeysa, March 24, 2014 (GNA) – Is maandhaaf xoogan ayaa ka dhex taagan Wasaaradda maaliyadda Somaliland iyo Baanka Dhexe ee dawladda, kaas oo keenay in Wasaaradda Maaliyaddu ay halkeedda ku haysato lacagihii dakhliga maalinlaha ahaa ee ay ku qaban jireen Kastamadda iyo ilaha kale ee dakhli qabashada dhawrkii Maalmood ee u dambeeyay.




Khilaafka Baanka iyo Wasaaradda




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada Hay’addood ee Maaliyadda Qaranka gacanta ku haya, hase ahaatee  wargeyska Saxafi oo soo xiganaya xogo muhiim ah ayaa sheegay in khilaafku gaadhay heer ah in  Maamulka Baanka Dhexe ee dawladdu warqad qoraal ah u diray Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, taas oo uu kaga dalbaday inay ka hakiyaan kharashaadka ay u soo gudbinayaan Baanka Dhexe,taasoo uu ku sababeeyay lacag yaraan baanka haysata.




Khilaafka labada dhinac ayaa la wariyay inuu salka ku hayo Sicir bararka dhanka Dollar-ka ee todobaadyadii ugu dambeeyay sare u kacay, taasoo ay labada dhinac isku maandhaafsanyihiin qaabka ay ula tacaalayaan kor u kaca dollar-ka.




Wada shaqaynta labadan Hay’addood ayaa la sheegay inuu meesha ka baxa, tan iyo markii muranku bilaamay, iyadoo Xisaabiyaha Guud ee Qarankuna Masuuliyiinta Bangiga dhexe cadaadis ku saaray sidii uu u sii deyn lahaa Kharashaadka uu u soo gudbiyo ee laamaha dawladdu ka soo dalbadaan, sida uu Wargeyska Saxafi wariyay.




Nidaamka Kastamaddu u shaqeeyaan oo isbedelay




Kastamka Kala baydh ee Qaadka iyo Maceeshadaha kale lagu cashuuro ayaa diiday inuu Kaashka ku soo xerreeyo Bangiga Dawladda labadii maalmood ee ugu dambeeyay.




Dhanka kale, Kastamka Dekedda Berbera ayaa la sheegay in laga joojiyay Jeegagii cashuur qabashada ee dadka ka qaadan jireen Bangiga iyo Sarifleyaasha ku xidhan ee lacagtu u taalo.




Sarkaal ka tirsan Waaxda Kastamka Berbera oo ka cudur daartay in magaciisa la soo xigto, ayaa Gobanimonews u sheegay in Kastamku dadweynaha ku amray inay lacagta Cashuurta iyadoo Kaash ah la yimaadaan Dekedda, halka markii hore Jeeg lagu bixin jiray, taasoo culays ku noqotay dadweynaha.




Si kastaba ha ahaatee khilaafkan iyo isbedelka ku yimi qaabka ay u shaqeeyaan Hay’addaha dawladda u qaabilsan lacagtu, ayaa dood badan ka dhex abuuray Bulshada Somaliland, iyadoo ay dadku si weyn u hadal hayeen Maanta markii uu dibada u soo baxay.




Hadal haynta dadka qaarkii ayaa sawiraysa inuu iman karo Lunsi lacageed, halka qaarkoodna ay ku doodayaan in Lunsigaasi uu yahay mid laga badheedhay oo Wasaaradda Maaliyaddu gabood uga dhiganayso khilaafka kala dhexeeya Bangiga.




“arrintu hadii ay sidan tahay waxa suurto gal ah in lacag la lunsanayo, waayo hadii lacagta Bangiga lagu soo xareyn waayo xagee la geynayaa?, waa arrinta isweydiinta leh”sidaasi waxa yidhi Dhaqaale yahan magaciisa ku soo gaabiyay Khadar oo Gobanimonews la hadlay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com