Tababaraha kooxda Chelsea ayaa dalbanaya in goolhayaha reer Belgium Thibaut Courtios uu heshiis cusub u saxiixo kooxdisa Blues uuna ku cadaadin doono inuu dib ula jaan qaado kooxda, sida ay ku waramayan Daily Express.
Courtios oo ay doondoonayan kooxaha waa weyn Ee Yurub kadib qaab ciyaareed loo wada riyaaqay oo uu xiddigan ku soo bandhigay La Liga kadib seddex xilli ciyaareed uu amaah ku joogay Atletico Madrid lakiin waxey taa sababtay inuu xagaaga dib ugu soo noqdo Stamford Bridge.
Thibaut Courtios ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid lakiin Chelsea ayaa haatan si dag dag ah ugu dhaqaaqeysa xiddigan si ay u hubiyan mustaqbalkisa Stamford Bridge, heshiiska uu goolhayahn kula jiro Blues ayaa dhamanaya 2016.
Warar laga helaayo Spain ayaa ku waramaya in Mourinho uu Courtios u ogolaan doono inuu xilli ciyaared kale amaah kula sii joogo Atletcio Madrid hadii uu heshiiska u kordhiyo Chelsea, waxana la rumeysan ina goolhayahan uu xiiseynayo inuu xilli ciyaared kale amaah ku qaato Madrid hadii Cech uu sii ahaanayo dooqa koowad goolhayanimo Ee Jose Mourinho.