Pages

Wednesday, March 12, 2014

Ingiriiska oo mar kale ka digay weeraro ka dhan ah danaha Reer Galbeedka ee Somalia iyo Somaliland


Itoobiya iyo somalilandIngiriiska oo mar kale ka digay weeraro ka dhan ah danaha Reer Galbeedka ee Somalia iyo SomalilandLondon(GNA)-Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale waxay mawaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somaliya oo ay Somaliland ku jirto.




Digniintan ayaa noqonaysa markii labaad muddo laba bilood gudahood ah, waxaanay sheegtay inay hanjabaad joogto ah ku hayaan Kooxaha Argixisadda Soomaaliya, kuwaasoo xataa ku hanjabaya inay weerarayaan Danaha reer Galbeedka ee Somaliland iyo kuwa u shaqeeya.




Fariin qoraal ah oo lagu baahiyay Mareegta Xafiiska Arrimaha Dibada ee UK (FCO), ayaa lagu sheegay inay dhamaan mawaadiniinta Igiriiska ee dalka ku sugani ka baxaan.




Digniinta ayaa lagu sababeeyay Hanjabaada uga imanaysa kooxaha Argagixisadda iyo halista budhcadbadeedda Gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindia.




“Xafiiska Arrimaha  Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dawladda Ingiriisku wuxuu ka digayaa dhammaan safarrada Soomaaliya , oo ay ku jirto Somaliland. Qof kasta oo muwaadiniin British ah oo Soomaaliya joogaa waa inay ka baxaan “ayaa lagu yidhi fariinta.




Waxaanay Xafiiska FCO intaasi ku dareen “Waxaa jira khatar sare oo ka imanaysa argagixisada , oo ay ka mid tahay  afduubku , Soomaaliya oo dhan , oo Somaliland ku jirto . Kooxaha argagixisada ah ayaa sameeyey hanjabaad ka dhan ah reer Galbeedka iyo kuwa u shaqeeya hay'adaha reer galbeedka . FCO wuxuu ku doodayaa inay jirto hanjabaad joogta ah oo weerar argagixiso gudaha Muqdisho . FCO wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in argagixisada ay sii wadaan qorsheynta weerarada ka dhanka ah Reer galbeedka eeSomaliland .

Weerarada argagaxisanimo oo noqon kara kuwo aan  kala sooc lahayn , oo ka dhaca meelo buuxo , dhacdooyin - sare , dhacdooyinka ku lugta leh saraakiisha dowladda iyo goobaha ay ajaanibtu joogaan .

Burcad-badeednimada ayaa cabsi weyn ku haya Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya . Waxa kale oo jira hanjabaad sare oo argagixisada badda ee biyaha wadanka iyo kuwa caalamiga ee  Soomaaliya, sida safark badda “ayay tidhi UK.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland iyo Soomaaliya oo la xidhiidha cusboonaysiinta digniinta ee FCO, hase ahaatee wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi yoonis oo laba todobaad ka hor safar kaga soo laabtay Ingiriiska ayaa arrintan ku tilmaamay mid siyaasad salka ku haysa.




“walaahi anigu ma garanayo waxay arkeen iyo sababta ku keliftay inay Somaliland ku soo daraan amni darada Somalia ka jirta, laakiinse waxaan u malaynaynaa inay tahay arrin siyaasad ku saabsan”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.




Somaliland ayaa waxa ka jira amni wanaagsan inta badan deegaamada dalka, hase ahaatee waxa jira meelo ay wali ka taaganyihiin Khilaaf Bulsho oo Maxali ah, taasoo aan wax xidhiidh ah la lahayn Kooxaha xagjirka ah.




Balse marka la eego Gobollada Koonfurta Soomaaliya waxa wali awood badan ku leh Kooxda Al-shabaab oo xidhiidh la leh Shabakadda Al-qaacida, inkasta oo ay socdaan hawl-galo cusub oo lagula dagaalamayo Kooxdaas.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com