Taleex(GNA)-Madaxweynaha Khaatumo State a Maxamed Jaamax Indha Sheel iyo xubno kale oo ka mida Maamulkiisa ayaa xalay saacad dambe safar kaga baxay Magaalada Taleex, halkaasoo abaabul shir ka socdo.
Indho Sheel iyo xubno ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada Mukhtaar Ibrahim xabashi maayarka degmadda Taleex Ilweyn iyo waliba Cabdala Cagalule ayaa safarkoodu bulshada ku noqday kedis, waxaanay baxeen iyagoo aan Ciidan wadan.
Ma jiro war rasmiya oo maamulku ka soo saaray socdaalka masuuliyiintan, hase ahaatee waxa la sheegay inay Degmada Boocame ugu tageen Ugaas Cabdilaahi Ciise iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxmed oo ka mida hogaan dhaqameedka Gobolka Sool ee Khaatumo.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in weftigu booqan doono Deegaamo kale oo ka mida Cayn iyo Sool.
Socdaalkooda ayaa ku soo aaday xili dhaqdhaqaaq siyaasaddeed Puntland ka waddo Buuhoodle iyo Sool.