Pages

Sunday, March 16, 2014

Hargeysa: Xukuumadda iyo D/ hoose oo sheegay inay ku heshiiyeen Maamulka Dhulka D. Guud.Dhegeyso


  DSC00196Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta iyo Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay ka heshiiyeen khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka dhex aloosnaa oo salka ku hayay maamulka Dhulka Danta Guud oo dawladda dhexe iyo Dawladda hoose kala riixanayay.




 



DSC00195



Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyaynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo saaray Wareegtooyin uu Dawladdaha hoose kaga dalbanayo inay soo wareejiyaan wixii Dhul dan guud ah ee ay hayaan iyo inay faraha kala baxaan Maamulka Danta Guud.




Shir Jaraa’id oo ay Wasiir Khaliif iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ku qabteen Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in la soo afjaray wixii khilaaf ahaa ee labada dhinac ka dhexeeyay.




DSC00193




 



Labada Masuul ayaa sheegay inay si bilaa turxaan ah u wada qabsan doonaan hawlaha ka dhexeeya ee dhinaca Maamulka Danta Guud, hase ahaatee may soo bandhigin nuxurka qodobada ay ku heshiiyeen oo faahfaahsan, iyagoo ka gaabsaday inay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan.




“Hadii uu jiray wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Dawladdaha hoose iyo Wasaaradda hawlaha guud waa la dhameeyay, wixii farsamo ah ee ka wada shaqaynta arrimaha laysku hayayna si bilaa turxaam ha xafiisyada loogu dhameysto”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlayay Shirka Jaraa’id.




Dhinaca kale Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud  Caydiid (Soltelco) oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in la soo afjaray murankii maalmahan ka dhexeeyay Wasaaradda iyo Dawladdaha Hoose.




Halkan dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiir-Khaliif.mp3"][/audio]




Laakiinse Cabdiraxmaan Soltelco, laftiisu si faahfaahsan umuu soo bandhigin waxa ay ku heshiiyeen iyo cidda maamuli doonta Dhulka Danta guud ee Magaalooyinka oo ay dawladaha ku andacoonayeen inay iyagu sharciyan xaq u leeyihiin Maamulkiisa.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Soltelco.mp3"][/audio]




Heshiiska labada dhinac ay sheegeen inay wada gaadheen ayaa waxa wali ka taagan Su’aalo badan oo la xidhiidha nuxurkiisa iyo nasteexa ugu jira Ilaalinta Hantida Guud, sida Dhulka oo Bulshadu farta ku godayso in sababta loo kala riixanayaa tahay si loo lunsado ama qolo waliba Maamulkiisa iyo ka faa’idaysigiisa aanay cid kale la wadaagin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com