Pages

Saturday, March 8, 2014

Hargeysa: Maxkamadda oo Rumaan ku xukuntay 7 qof oo loo haysto dil Xaasaasiya


OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa(GNA)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka todoba cisho oo Rumaan ah  u dirtay 7 qof oo ku eedeysan Kiiska Gabadh inta la dilay Maydkeeda lagu  qariyay Guri ku yaala Xaafadda New-hargeysa.




Dilka Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa loo hayaa Lix qof oo isku qoys ah iyo Gabadh kale oo lala xidhiidhiyay.




Lixda qof ee isku qoyska ka soo jeedda ayaa kala ah Gabadha dilkaasi eedeysanaha koowaad ka ah, afar Caruur ah oo ay dhashay iyo Ninkeeda, kuwaasoo lixdooda  Jeelka loo dhaaciyay, halka haweenayda kale Saldhiga dhexe lagu xidhay.




Amaanka Maxkamadda Gobolka ayaa saaka markii eedeysaneyaasha la keenay aad loo adkeeyay, iyadoo aan loo ogolayn cid eheladda Marxuumadda ahayni, hase ahaatee Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka ayaa Gobanimonews  u xaqiijiyay go’aan Maxkamadda.




Warka ayaa intaasi ku daraya in Muuna oo ah Gabadha lahayd Guriga Maydka Marxuumadda dhimatay laga helay ay qirtay in wiil ay dhashay Budh la dhacay Marxuumadda la dilay, hase ahaatee iyadu way dafirtay inay dilkaasi geysatay.




Sidoo kale waxay ku doodday inay Gabadha kale ee kiiska lala xidhiidyay godka ku riday Maydka.




Dilkan ayaa dhacay 24 bishii Feberaury, iyadoo Maydkana la helay maalmihii ugu dambeeyay ee bisha .




Eedeysaneyaasha ayaa qaarkood la qabtay isla maalintii Maydka la helay, sida Gabadha Muuna la yidhaahdo .




Maydka marxuumadda Eedeysaneyaasha loo haysto, ayaa la aasay Khamiistii la soo dhaafay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@hotmail.com




 




 




 




 




i