Hargeysa(GNA)-Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex ayaa maalintii shalay xukun ka soo saartay dhismaha hangarka tumaalada ee sariibada inji taasi oo ay u xukuntay dadka farsamayaqqanninta ahaa ee hore ay uugu dhistay Hay’ada UNHCR kuna maal galisay haayada UNDP.
Arrintan oo ka dambeysay, kadib markii uu maayarkii hore ee caasimadu ka wareejiyay dadka ay hada maxkamaddu u xukuntay, siiyayna cida hada ay maxkamadu ka xukuntay.
Dacwadan oo maxkamada ka socotay mudo Seddex sano ah ayaa waxa Maxkamada uga mahad naqay , kuna tilmaamay xukun Cadaalada ah Cuqaasha, Salaadiinta iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Beel Waynta Gabooye iyo Farsama yaqaaniintii hore sharci darada looga qaaday.
Xubnahan ayaa mahad gaar ah u jeediyey Garsoorihii Xukunkaasi ku dhawaaqay Maxamuud Cabdirisaaq Baaruud iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka oo sabab u ahaa inuu kiiskani dhaqaaqo, ka dib markii uu mudo soo jiitamay.
Waxa kale oo ay masuuliyiinta beeshaase mahad gaara u jeediyeen cidkasta oo wax kala qabatay kana gacan siisay Guusha ay gaadheen ee Xaq u dirirka ah.
Sida Wasaarada Cadaalada, Hay’ada Xuquuqal insaanka, iyo Ururka Qareenada Saboolka ee Somaliland.
Cabdiwali Huddle
Gobanimonews
Hargeysa Office