Pages

Tuesday, March 11, 2014

Hargeysa: Haweenka Difaacay Garsoorka


Hargaysa (GNA)- Qaar kamida Haweenka ku Dhaqan Caasimada Hargaysa oo Maanta (shalay)Shir jaraaid ku qabtay Hotel Xaraf ayaa waxba kama jiraan iyo Dacaayado Riqiisa ku Tilmaamay Eedo iyo dhaliilo baryahan danbe war-baahinta loo galiyay Garsoorka Maxkamadaha Dalaka.waxaanay Haweenkani marka hore xaal ka bixiyeen hadaladii niyad-jabka ahaa ee warbaahinta loo galiyay, waxaanay sheegeen in Garsoorka maanta Dalka ka hawlgalaa 90% ka wanaagsan yahay kii hore. Nadiira Ismaaciil Maxamed oo kamida haweenka madashan isugu yimid oo ugu horayn halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Horta anigu Todoba Bilood bay Maxkamada Dacwadi iiga socotay mudadii ay Dacwadaasi ii socotay wax dhib ah iyo wax Cadaalada ka fog midna maan arag, markaa horta waxa weeyi marka laba qof Dacwad loo qaado mid kamidah uun bay gartu raacaysaa.Dhaqan ahaana ma qurux badana in qofka garta laga helay uu ka been abuuro Garsoorka oo uu Dacaayado warbaahinta u mariyo”Waxaa kale oo iyna mada-Shaasi ka hadashay Marwo Filsan Cabdi Xasan oo iyduna sheegtay in ay mudo sadand iyo laba bilood ah Dacawado uga socdeen maxkamada dagmada iyo ta gobolka-ba,Waxaanay ku dheeraatay habsami u socodka hawlaha Garsoorka iyo sida wanaagsan ee ay u hawl galaan,iyada oo Bulshadana ugu baaqday in lagarb istaago loona hiiliyo Cadaalada iyo sinaanta. Mar ay arimahaasi ka hadlaysana wax aytidhi Sidan. “diinta iyo dhaqanka suuban midna kuma bannaana in la is fadeexadeeyo,waxaan anigu ka markhaati ka cayaa mudadii dacwdu iiga socotay maxkamadaha inay garsoorku si cadaalada u sheqeeyaaan waa lagayaabaa in aad marmar saluugto mid ka mida gar-yaqaanka, Taasna macneheedu maaha in ay wada xun yihiin oo ilaahay uun baan khaldamin,Haddii aad wax saluugtana waxaa kuu banaan in aad Anbiil Ka qaadato.” Haween kan isugu yimi madasha ayaa waxay dhamaantood sheegeen,in Garsoorka maanta Dalka ka hawlgala oo u badan Dhalinyaro aqoon iyo karti u leh hawlaha ay Bulshada u hayaan ay aad ugawanaagsan yihiin kuwiihore taasina ay markhaati u tahay malaayiin dacwada ah oo murug Sanaa in ay dhaqaajiyeen oo ay go’aamo ka soo saareen mudadaii yarad ee ay joogeen.Gabagabdii waxay haweenkani ubulshada ugu baaqeen in cadaalada la garb istaago loona hiiliyo Garsoorka habeen iyo maalinba heeganka ugu jira hawlaha ay qaranka u hayaan