Thursday, March 13, 2014

Halyeeygii Man United Eric Cantona Oo Loo Xidhay Danbi Uu Ku Geystay London.


1183082-24747630-640-360Eric Cantona ayaa la xidhay ka dib markii uu nin ku feedhay London sida ay ku warameyso Daily Telegraph.




 




Halyeeygii hore ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in boliiska ay xidheen galabnimadii shalay ka dib markii uu dagaal ku galay Primrose Hill.




 




Boliiska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay shalay xidheen Cantona kaasoo feedhay nin aan la sheegin magaciisa, inkastoo dhibanaha aanu baahanayn in cusbitaal loo qaado.




 




Cantona oo haatan ku shaqeysta dhaktarnimo ka dib markii uu ka fadhiistay ciyaaraha ayaa caan ku ah haraatidii uu taageere Crystal Palace xabadka ka geliyay bishii Janaayo 1995.