Thursday, March 6, 2014

Ha qaylin adoo Qaawan!


Waxaynu kasoo hadalay oo aynu ku soo qaadnay qormadii tan ka horaysay qiima beelka uu qaadku inaga dhigay iyo sida uu inoo baabashay dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba isla markaana uu inooga dhigay umad dad u xaniban oo lahaystayaal ah markaan sidaa leeyahay waxaan u jeedaa waxaynu u shaqaynaa waa dadka qaadka beerta ee itobiyaanka ah waxaana taasi marag ka ah dhaqaalaha bilaa xisaabta ah ee habeenkii ku xeroota itobiya waxaan u tabacnaa waa qaad sidaa awgeed waxaan odhankarnaa waxaan nahay umad lahaystayaal u ah wadan kaasi aan soo sheegnay.




 




hadaba maanta waxaan ka hadli doonaa masuuliyad darada inagu dhacday waliba gaar ahaan raga taasi oo uu sabab u yahay qaadku waxaan ilawnay masuuliyadii ilahay inoo dhiibay ee ahayd inaan aduunka masuul ka ahaano taasi oo aan gabi ahaanba dayacnay.




waxaa kale oo aan dayac nay tii ama masuuliyadii gaarka ahayd ee aynu masuulka ka ahayn qoysaskeena waxaad maalin walba maqlaysaa ama arkaysaa qoysas kala yaacay oo burburay marka si qoto dheer loo baadhana waxaad ogaanaysaa in uu qaadku sababay kala tagaasi.




waxaad subax walba aragtaa waliba salaada hore intaan subaxa latukan dumar kalahaaya oo yaacaaya isla markaana shaqa tagaaya markaad baadho sababtana waxaad ogaanaysaa in markii ay ragii qaad cun wada noqdeen ee ay saaqideen ee ay masuuliyadii reerkiisa ka saaranayd ay dayaceen dabeeto iska seexdeen dumarkiina ay ku kaliftaay inay shaqo tagaan una soo dhiciyaan ubadkoodu waxay ku noolaan lahaayeen ee cuno lahayd ee cabid lahayd ee hoy lahayd ee hu ama dhar lahayd ee dusiga waxbarasho ama jaamacad lahayd masuuliyadahaasi ama waajibaadkaasi oo dhamaan saarnaa ninka ama aabaha ilahayna ku waajibshay inuu isagu guto balse waa ka gaabshay waxaana sababay waa qaaka waayo waxaa uu kaa dhigayaa manaxaan doqon ah oo aan kala aqoon waxa u dan ah iyo waxa aan u dan ahayn inuu sidaa garto iska dhaafoo waxaaba uu ku siganayaa inuu caruurta xaraasho ama uu rahmo waxaanan aamin sanahay in taasi dhici doonto hadaan sidan wax laga badalin waxana laga yaabaa inay dhacdayba.




 




Hadaad aado ama aad qabato suuqyada qaadka lagu gado waxaad arkaysaa oo markaaba indhahaagu qabanahayaan wiil ama nin maqiiqan oo raba inuu qaadka gato lacagna gacanta ku sita waxaa uu ku qaylinayaa aniga ha iga kala qaybin taasi oo macneheedu tahay waxaad iga gadaa kiilooga oo dhan markaad isaga usii fiirsatana waxaa laga yaabaa inaanu qadayn oo uu gaajoonaayo isla markaana waa aradan yahay waa caga cad yahay waana maryo xunyahay qoyskiisiina hadalkiisaba iska daa hadana waxaa uu sitaa lacag badan meel uu ka keenaba waa keenayaa ilayn qaadkiiba ku xidhane xataa waxay ku kalifaysaa inuu masaajid ka istaago oo yidhaaho waan baahanay oo caruurtaydii dab looma shidin ama uu yidhaaho islaantiibaa iga dhimatay oo uu maalinba qof dilo runtii waxaasi oo karaamo xumo ah waxaa iska leh oo aabo u ah qaadka.




 




dhinaca kale waxaad arkaysaa nin wayn oo sharaf leh oo suuqa badhtankiisa gabadh qaadka gadaa ku qaan dhabayso isaga iyo waalidkiiba caayeyso oo kaladhka shaadhka haysato magaalada oo dhamina daawanayso isna aad yaabayso waxa dhaar beena uu daldalaayo ee uu leeyahay hadaan keeni iyo wax lamid ah waxaa laga yaabaa ilayn waa magaalo meeshuye in qof ay xil isku leeyihiin oo uu sodog u yahay ama isgaba u ah ama uu seediba u yahay ama isagaba u ah ama dumaashidiis ama kaaga darane sodohdii ama gabhiisiiba ay meesha soo maraan dabeeto la arko xaajigii oo gabdhi kaladhka haysato oo ladaawanaayo oo been fara badan ku tiraabaaya waxaasi oo sharaf beel ah waxaa hooyo u ah waa qaadka.




 




waxaa dhacday in nin reer  hargeisa ahi uu xiligii aynu ku jirnay daydayga iyo dagaalada uu mudo reerkiisa ka maqnaa oo uu duurka jiifay dabeeto habeen habeenada kamid ah ayuu taagiisa is dhahay reerkaagii iyo caruurtaadii soo eeg waxaa uu soo galay tuuladii ay daganaayeen nasiib daro waxaa uu fadhiistay maqaaxi qaadka lagu cuno waxaa uu dalbaday nooci ugu danbeeyey qaadka maalintii oo dhan ayuu halkaasi qaadka ku cunaayey markay goordanbe oo habeenimo ah marayso ayaa waxaa uu si waali ah oo aan fayoobayn ugu dhaqaaqay xagii uu is dhahaayey waa kaa xigaa reerkii ama gurigii markii uu gurigii gaadhay waxaa uu u tagay xaasikiisii oo gabadh yar oo uu dhalay dhabta ku haysa xanuun daraadeed gabadha yari waa qaylinaysaa ama waa ooyeysaa xanuunkuna waa ku daran yahay ninkani mudo dheer muu arag gabadhan yar iyo hoyadeed toona si naxariis daro ah ayuu ula hadlay dabeeto waa iska jiifsaday ilayn waa naf gubanaysee waxaa uu hayn waayey qayladii yartii yarayd ee xanuunku hayey intuu gabadhii su xun oo bilaa naxariis ah ula hadlay ayaa waxaa uu yidhi nayaa waa naagta bax oo dibada ku hay aanu kaa seexanee, halkaa markaad qiimayso qof damiir leh na aad tahay waxad holanaysaa oohin iyo ilmo waayo waxaad is dhahaysaa waar ninku doqonsanaa oo cadaawaysana miyaanu gabadha isagu dhalin miyanay ahayn jiidhkiisii miyaanu xishood iyo naxariis u lahayn miskiinadan dhabta ku haysa, ha layaabin waxaasi oo gobanimo daro ah ee doqoniimo ah ee naxariis daro ah ee masuuliyad daro ah waxaa aabo iyo hooyo u ah waa qaadka.




 




waxaan qormadeenan maanta ku soo gaba gabynaynaa walal iska jooji qaadka waa if iyo aakhiro xumo waa haligaad aad naftaada halaagayso aakhirana waa cadaab ifkana waa nolol qadhmuun oo sanka lagaa haysto.




 




guntii iyo gunaanadkii waxaa leeyahay xigmada ah walal ha qayilin adoo qaawan.




 




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)