GABILAY(GNA):Booliska Magalada Gabiley Ayaa Maanta Rasaas ooda kaga Qaaday Ardayda dugsiga hoose dhexe ee sheekh muxumad warsame oo Mudaharaad balaadhan ka Sameeyay Magalada Gabiley.
Mudaharaadkaasi ardayda ay samaynayeen oo gilgilay magaalada gabliay ayaa ah mid rabshada wata waxaanay khasaare laxaadle soo gaadhsiiyeen, maxakamada gobolka gabiley, xarunta wasaarada maaliyada, xafiiska wasaarada beeraha iyo xarunta dawlada hoose ee magaalada gabiley iyagoo jajabiyay gaadiid dhawra ah oo xarumahaasi yaalay
Ardayadan ayaa mudaharaadkan waxay ku diidanaayeen in laga qaado dhisme laba qol ah oo ku yaala ka soo horjeedka dugsiga sheikh muxumed warsame halkaasi oo ah dugsi lagu barto quraanka kariimka ah oo dawlada hoose ee gabiley damacsanayd inay ka wareejiso dusigaasi isla martkaana ku wareejiso wasaarada horumarinta reer miyiga.
Ka hor intaan mudaharaadku dhicin, ayaa Macalinka halkaasi ardayda ku bara quraanka ay saaka booliska magaalada gabiley ay weerar ku soo qaadeen si loo xidho taasi oo ah ta dhalisay in ardaydu gadoodo
maamulaha dugsiga sheikh muxumed warsame macalin cabdi wahaab daahir cismaan oo aan wax ka waydiinay sababta dhalisay mudaharaadkan ayaa wax laga xumaato ku tilmaamay arrinka dhacay.
Gobanimo news.com
Gabilay office