“Ardaydu Dugsiga sare waxay u lugeeyaan saacad, Saldhigii Bilayskuna wuu dunsanyahay, Cabdi Yaasiina gaadhi naloogu deeqay ayuu nagu haystaa”hoos ka dhegeyso Waraysi :Sul. M. Aadan C/laahi
Duruqsi(GNA)-Bulshada ku Dhaqan Degmada Duruqsi oo ka mida Degmooyinka hoos yimaadda Gobolka Togdheer, ayaa cabasho ba’an ka muujiyay Gaadhi Ambulace ah oo ay sheegeen in Hay’adda Mediar ugu deeqday Cisbitaalka Degmada uu Maamulka Caafimaadka ee Gobolku doonayo inuu u leexiyo meel kale iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee Waxbarashada, Caafimaadka, Saldhigyada bilayska iyo wixii la hal maala.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay dhamaan adeegyadaasi oo dhami hoos u dhacsanyihiin ilaa hada dawladdu waxba ka qaban wayday, waxaanay adeegyada ugu liita ku tilmaameen kuwa waxbarashada iyo Saldhigyada Booliska.
Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi (Af-dur-dur) oo ka mida Madaxdhaqameedka Degmada ayaa Gobanimonews u sheegay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer isku dayay inuu degmada ka qaado Gaadhigaasi.
“Dugsiga Sare ee Degmada Ardaydu waxay u lugeeyaan Sacaad, halkaasaanay arday ugu lugaysaa, Saldhigii Bilayska ee Degmadu wuu dunsanyahay oo ma dhisna, waxaana bilayska hada nala joogaa ay galaan Guri Dawladda hoose leedahay”ayuu yidhi Suldaan Maxamed oo khadka Telefoonka ee Degmadaasi ugu waramay Gobanimonews, ka dib shir ay arrimahan ka yeesheen Hormuudka Bulshadu.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Waraysimp3.mp3"][/audio]