Cabdiraxmaan Soltelco: Horumar kastoo ay Djibouti gaadho waxaanu nahay kuwa ugu dhow ee ku farxa waxna ka soo gaadhaan”
Djibouti, March 6, 2014 (GNA) – Maayarka Caasimadda Somaliland ee Haregysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha loo dhan ee 11aad ee Xisbiga Talada dalka Djibouti haya ee Isu-taga iyo Horumarka Shacabka (RPP), kaasoo uu Maalintii shalay Maayarku ugu gudbiyey Hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Madaxda Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE hogaanka dalka Jibouti iyo Xisbiga RPP.
Maayirka Caasimadda Somaliland ayaa hogaaminaya wefti ka socda Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo Safar shaqo dalkaasi u jooga.
Shirweynaha Xisbiga RPP oo dorraad Arbacadii ka furmay Aqalka Ummadda ee caasimadda dalka Djibouti ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha dalka Djibouti ahna Guddoomiyaha Xisbiga RPP, Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd, Golaha Wasiirada dawladda Djibouti, Madaxda Xisbiga RPP, Wakiilada dalalka Jaarka la ah Djibouti, sida Somaliland, Itoobiya, Yemen iyo kuwo kale.
Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuuud Caydiid iyo Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa dhinaca Somaliland uga qayb-galay shirweynaha Xisbiga RPP, iyadoo Maayarka Hargeysa ka mid ahaa wakiilada dalalka kale uga qayb-galay shirweynahaas ee laga qayb-geliyay inay khudbad ka jeediyaan halkaas.

Khudbadda uu Maayarka Hargeysa halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu kaga hadlay in hoggaanka xisbigaasi bilowgii ay xorriyadda qaadatay Djibouti ay garteen inay noqdaan dal goonidiisa u taagan, oo aanay ku darsamin ololihii wakhtigaas dawladii Somalia ka talinaysay doonaysay inay Djibouti ku soo biirto riyadii Somaliweyn ee lagu doonayay inay ku midoobaan shanta Soomaaliyeed, taas oo ay Somaliland ku hungowday.
“Annagu (Somaliland) markii aanu xornimada ka qaadanay gumaysigii 1960-kii, inkastoo ay tijaabo ahayd, waa kuwii tuuray aabayaashayo, hase yeeshee idinka (Djibouti) qoladiinii xisbigan aasaastay ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Djibouti (Xasan Guuleed Abtidoon) waxay dhidibada idiinku aaseen inaad noqotaan dawlad gooni isu taagta oo horumarkeeda maanta cid waliba indhaheeda ku aragtay. Markii uu Madaxweynihii hore Xasan Abtidoon idiin dhisay dawladnimadii, Madaxweynihiina hadda ee Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qaaday isna tubtii horumarka kadib markii uu Madaxweynihii hore Xasan idiin dhisay dawladnimadii” ayuu Maayar Cabdiraxmaan Soltelco khudbadiisa ku yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Run ahaantii anigu Djibouti waan imaadaa, markasta oo aan imaadaana waxaa u dhexeeyaa faraq aad u weyn.”
“Waxaan leeyahay dadka Reer Djibouti iyo xisbiga RPP, Waxaan u malaynayaa in aanu weli idiin dhalan ninkii idiin bedeli lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle” ayuu kula kaftamay Maayarka Hargeysa ka soo qayb-galayaashii shirweynaha loo dhan yahay ee xisbiga talada dalka Djibouti haya ee RPP.
Maayarka Hargeysa isagoo ka hadlaya waxqabadka iyo mucaaridadu siday isku yihiin waxa uu yidhi: “Mucaaridka markay noqoto, dee anaguba waanu leenahay Mucaarid, ee nin fadhiyaa waxba kuu qaban maayo. Annaga [Somaliland] horumar kastoo ay Djibouti gaadho waxaanu nahay kuwa ugu dhow ee ku farxa waxna ka soo gaadhaan, waanuna ku hambalyeynaynaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle horumarka uu gaadhsiiyay dalkiisa.”
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay wakiilada xisbiga talada haya ee dalalka Yemen, Suudaan iyo Itoobiya, kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xisbiga RPP-ba ku hambalyeeyay horumarka dalkiisa uu gaadhsiiyay, iyagoo taageerayaasha iyo shacbiga reer Djibouti-ba ku dardaaray inay ku faro-adaygaan Madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geelle, sida hadalka u dhigeene, waxaanu wakiilkii ka socday dalka Suudaan uu si adag carabka ugu adkeeyay in socdaalkiisii u dambeeyay oo laba sannadood ka hor ahaa iyo kan maanta ee Djibouti uu arkay faraq weyn u dhexeeyay xaga horumarka, kaas oo uu ku tilmaamay mid dunida oo dhami wada qirtay.
Ugu dambayntiina waxaa halkaas khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ka hadlay halyeeyadii aasaasay xisbiga RPP isla markaana ahaa kuwii ka soo qayb-qaatay xornimadii dalka Djibouti.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka hadlay ujeedada xisbiga RPP oo uu sheegay inay tahay in qof kastoo oo reer Djibouti ahi iska dhex arko, oo uu u shaqeeyo ummadiisa reer Djibouti.
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii dambe kulan gaar ah la yeeshay wakiilada xisbul-xaakimyada dalalka Somaliland, Itoobiya, Yemen iyo Suudaan ee shirweynahaas ka qayb-galay.
Weftiga Somaliland uga qayb-galay xuska Aasaaska ee 35aad iyo Shirweynaha 11aad ee talada haya ee dalka Djibouti, ayay dawladda Djibouti si rasmi ah ugu soo casuuntay sannadkan shirweynaha Xisbigeeda iyo dabaal-dega aasaaskiisa, iyadoo weftiga Somaliland la siiyay meeqaam sare oo aanay wufuudii dalalka lagu soo casuumay wada helin, isla markaana lagu casuumay Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hoggaaminayey weftiga Somaliland, iyadoo uu weftigana ka mid ahaa Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com