Monday, March 24, 2014

Dhegeyso: Boobe oo Hees cusub ku falanqeeyay Siyaasad xumadda Xisbiyadda Somaliland


Hoos ka dhegeyso, kana akhri Xisbiyadu sidoodaba, Xeelad maaha lagu tago,




Xarumaha Xatooyada, Barta loo xubeeriyo, Kuraasida xajiinta leh, Ma-xishoode jecel yahay, Lagu xado agoomaha…”Boobe Yuusuf Ducaale




boobeHargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, ahna qoraa buugaag badan ka qoray arrimaha Somaliland, ayaa Hees cusub oo caawa baahinteedu kow tahay ku falanqeeyay ujeedada laga leeyahay xisbiyadda iyo sida loo turjuntay ama loo bedelay hab dhaqankii laga rabay.




Boobe ayaa sameeyay Heesta la baxday Xisbiyadu, waxaanu si faahfaahsan ugu iftiiminayaa gol-dalloolooyin fara badan oo ka muuqda Xisbiyadda waddanka ka jira.




Waxaana heesta Ereyaddeeda ka mida




Xisbiyadu sidoodaba,




Xeelad maaha lagu tago,




Xarumaha Xatooyada,




Barta loo xubeeriyo,




Kuraasida xajiinta leh,




Ma-xishoode jecel yahay,




Lagu xado agoomaha…”




Heestan oo uu laxanka saaaray  Aadan Xuseen, Karroone,Muusiggii uu tumayo Axmed-weli, Furinle, ayaa noqonaysa tii saddexaad ee abwaanku soo saaro intii uu ka maqnaa xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/xisbiyo.mp3"][/audio]




Codadkii:




Ayaan-hoodo,




    Amran-star,




    Axmed-Reys,




    Najiib Wadne-kaabe,




Isku-dubbaridkii: Cabdiraxmaan Dheegsan




Akhri: Duubistii: Maxamed Aw Aadan




 




Xisbiyadu abbaar iyo,




 




Mabda’ lagu xiloodiyo,




 




Xeerar loo sameeyiyo,




 




Tusmo lagu xisaabtamo,




 




Yool lagu xafiiltamo,




 




Xagal laga dagaallamo,




 




Xurmaa lagu dhaqaajaa,




 




Xubno loo tix-raacoo,




 




Xil-kasaa u hiiliya,




 




Codka xoog ku daafaca,




Xisbiyadu sidoodaba,




Xeelad maaha lagu tago,




 




Xarumaha Xatooyada,




 




Barta loo xubeeriyo,




 




Kuraasida xajiinta leh,




 




Ma-xishoode jecel yahay,




 




Lagu xado agoomaha,




Xisbi reero noqon waa,




 




Xaafadaysi noqon waa,




 




Xigsintii qabiilkiyo,




 




Kooxaysi ku xarraan,




 




Xeyn dan isku raacdiyo,




 




Qof-jeclaysi waw xulad,




 




Eexdu waa ka xaaraan,




 




Xag-jir wuu ku riiqdaa,




 




Mid xaq oo xalaaliyo,




 




Doorashaw xannaano ah,




 




Xisbiyadu sidoodaba,




 




Xaflado iyo dhoof iyo,




 




Ubax la isu xidho iyo,




 




Shir-jaraa’id xiiseyn,




 




Is-xayd-xaydka maahee,




 




Dad xaraar butaystaa,




 




Xaqa maqan ku raadshoo,




 




Marna ugu xiddigiyoo,




 




Xornimada ku bila oo,




 




Ku xasiliya nabaddana,




Haddii ay xukuumadba,




Maamul-xumadu taabtoo,




Xad-darradu bannaan tahay,




Xalku ma aha toosin e,’




Xisbigii sameeyiyo,




 




Xeraday ka timid baa,




La xisaabtan yaalla,




Alif kaa xumaadaa,




Al-boqraba




ku xiijee,




Xilna daa qof daayacay.