Berbera(GNA)-Masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa shalay dhagax dhigay Dhismaha Deked yar oo loogu talo-galay Kalluumaysiga.
Mashruucan waxa Maal-gelinaya Hay’adda FAO iyo Bangiga Adduunka, waxaanu ka kooban yahay saddex qaybood.
“mashruucan waxa loo qaybiyay saddex qaybood, oo kala ah, qaybta koowaad waa in Dekedda waa la dhisayo, qaybta labaadna waa la dheeraynayaa, qaybta saddexaadna waxa la dhisayaa dhismeyaashii iyo waxaas”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Buureed oo ka hadlay Munaasibadda dhagax dhiga Dekedda.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre iyo sarkaal ka socday Hay’adda FAO, oo halkaa ka hadlay ayaa iyaguna tilmaamay in mashruucani wax weyn ka tari doono horumarinta Kalluumaysiga.
“tani waa dekedda u khaaska ah Kalluumaysiga, waana markii ugu horaysay ee 150 sano ka dib dayac tir lagu sameeyo”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre.
Dekedda Kalluumaysiga u khaaska ah ee Berbera ayaa waxa dhisay Dawladdii Cismaaniyiinta xiligii ay Xeebaha Berbera ka talinayeen .
Bur-bur iyo baylah badan ayaa soo waajahday labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay, iyadoo xarun u noqotay Doonyaha Kalluumaysiga ee Berbera oo inta badan xiliga aanay shaqadu socon halkaa lagu nasin jiray.
Halkan ka Daawo:
https://www.youtube.com/watch?v=ATsoWwn60iw&feature=player_embedded