Sunday, March 23, 2014

Dalka yaa cadaalad iyo Sinnaansho ku hogaamin kara?


Allaah ayaa cadaalad laga helaa,dadkana cadaalad iyo sinnaansho ayaa deeqa.Dadkeenuna weli may helin xukuumad ku dhaqda cadaalad iyo sinnaansho.




Tan iyo 60kii shacabka J.Somaliland waxa ku habsaday cadaalad darro,kala sarrayn,xasuuq iyo carjuuq dheh.Waxay naftu ku soo noqotay markay qori caaradii ku soo dhacsadeen dalkoodii ay hadiyada u bixiyeen,marnaba may filayn inay cadaalad darro kala kulmaan xukuumado ay iyagu cod ku saareen kursiga dalka looga taliyo.Balse ayaan darrada shacabku kala kulmay xukuumadan manta dalka hogaamisa waxay noqotay cadaalad darro,sinnaansho la’aan iyo eex aan gabasho lahayn.Waayo?




Xukuumadahii ka horeeyay tan maanta dalka ka talisa mid waliba heer ayay gaadhsiisay,mid hubka ka dhigta,mid nabadaysa,mid ciidamada qaramaysa iyo mid dastuur iyo shuruuc samaysa.Xukuumada madaxweyne Axmed-siiraanyo waxa looga fadhiyay inay adkayso ku dhaqanka dastuurka,sugto cadaalada,kor u qaado sinnaanshaha bulshada si looga baxo hab-beeleedka,lana barto ku dhaqanka dimuqraadiyada.Balse way ka siibatay oo dib ayay dalka ugu celisay wada-tashiga beelaha.Tan oo abuurtay kala fogaansho iyo furfur ku yimi shacabka.Wax kale daayoo nidaamka ay xukuumadu ku dhaqanto ee hab-beeleedku waa kaa sababay xisbul xaakimka kulmiye inuu shirkiisii qabsan kari waayo oo ay curyaamiso hab-beeleedku.




La Soco………..




 




Xuseen Xasan Badmaax




 




Hargeysa/JSL