Ceel-barde(GNA)-Dagaal ayaa lagu soo waramayaa inuu Saaka aroortii hore dib uga qarxay wadada isku xirta Ceelbarde iyo Xudur.
Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Al-shabaab ee Gobolka Bakool.
Warbaahinta Kooxda Al-shabaab afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiyaan lagu qaaday weerar rogaal celin ah, ka dib markii ay xalay saldhig ka samaysteen Tuulada teeda.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Dagaalamaya, hase ahaatee goob-joogeyaal ayaa ku waramaya in dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isweydaarsanayaan labada dhan laga maqlayo Deegaamadaasi.
Dagaal ayaa daba socda iska hor-imaadyo kala duwan oo saddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday aagaasi.
Ciidamada Itoobiya ee haatan ku biiray Hawl-galka AMISOM ,ayaa wacad ku maray inay al-shabaab ka saari doonaan Gobollada Bay iyo Bakool.
Hase ahaatee iska caabin xoogan ayaa lagu soo waramayaa inay kala kulmeen halkaasi, inkasta oo wali dagaalku bilow yahay.