Pages

Sunday, March 23, 2014

C. Ronaldo vs Lionel Messi: Rikooradii Ay Jabiyeen Isbuucii Hore & Rikoorada Caawa La Filayo.


Lionel Messi and Cristiano RonaldoLayaab ma lahan in labadaan ay fure u noqdaan kulankaan waayo waa hogaamiyayaasha labada kooxood ahna gooldhaliyayaasha ugu sareeya kooxahooda xili ciyaareedkaan horyaalka La Liga, Ronaldo ayaa dhaliyay 25-gool, 24-kulan oo La Liga xili ciyaareedkaan halka Lionel Messi uu dhaliyay 18-gool, 21-kulan oo uu saftay xiligaan.




 




Labadaan xidig ayaa todobaadkii hore rikoodho jabiyay Lionel Messi ayaa sadexley ka dhaliyay Osasuna kulan ay Barca 7-0 ku xaaqday isagoo noqday xidiga ugu goolasha badan Barca ebid 371-gool ayuuna tagay, halka C. Ronaldo uu dhaliyay laba gool kulan ay Schalke 04 ku qaabileen Beranbue kulan ka tirsan Champions League wuxuuna dhaafay rikoorkii Puskas ee gooldhalinta isagoo dhaliyay 242-gool, sidoo kale Ronaldo ayaa qarka u saaran inu jabiyo rikoorka xidiga goolashii ugu badnaa ebid ka dhaliyay Champions League isagoo 1-gool u jira Rikoorka Messi ee 14-ka gool.




 




Messi ayaa dhanka caawinta kaga sareeya Ronaldo isagoo caawiyay 10-gool, sidoo kalana wilasha abuura kubada ee Barca, Xavi iyo Iniesta ayuu ka sareyaa kaliya Cesc Fabregas ayaa ka sareeya oo 12-caawiyay.




 




Sidoo kale Lionel Messi ayaa caawa heysta fursad uu ku noqdo xidiga labaad ee ugu goolasha badan Horyaalka La Liga isagoo haatan ah xidiga sadexaad wuxuuna leeyahay 233-gool, Hugo Sanchez oo kaalinta labaad ku jirana wuxuxu leeyahay 234-gool, Telmo Zarra  ayaana horkacaya oo leh 252-gool, Ronaldo ayaana liiskaan kaga jira kaalinta 14-aad.