Bali-calanle(GNA)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi Taliyaha Asluubta Gobolada Bariga Jaamac Baadi, Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Caaqil Xasan Dhuux Yare Xubno kamida Jaaliyada qurba jooga Deegaanka Balicalanle, Siyaasiyiin iyo aqoonyahan kasoo jeeda deegaankaasi ayaa saaka safar ku tegay Deegaanka Balicalanle si ugu guur galaan xaalada nololeed iyo ta amaan ee deegaankaasi una soo dhagax dhigaan rug saldhig cusub oo ay yeelan doonto magaalada balicalanle.
Waftiga ayaa Dadweynaha kula kulmay degaankaasi waxaana ay halkaasi masuuliyiintu mid mid uga hadleen ujeedooyinka safafkooda saakada iyagoo xusay inay ugu weyn tahay inay saaka dhagax dhigaan rug saldhig ciidan oo lagu sugi doono nabad gelyada deegaanka iyo inay u kuur galaan xaalada ay dadka degaankaasi ku suganyihiin
Taliyaha qeybta booliska togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolada Bariga Somaliland Taliye Jaamac Baadi oo halkaasi ka hadlay ayaa si wada jira uga hadlay amaanaka iyo nabad gelyada deegaanku inay kow ka tahay horumarka iyo iskaashiga, waxaana ay dardaaran buuxa siiyeen dadweynaah reer bali calanle ay kula dardaarmeen inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyo degaankooda, wuxuuna taliye cabdi muuse balan qaaday inuu Rugta saldhiga keeni doono ciidan ku filan oo tayo leh isagoo la kaasahnaaya Madaxda ka saraysa, waxaana uu kula taliyey dadweynaha inay la shaqeeyaan ciidankaas.
Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi Bidhi oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco sidoo kalena laga soo doortay Deegaanka Balicalanle iyo kuwo kale oo badan oo halkaasi ka hadlay ayaa shacabka reer balicalanle uga mahad celiyey sidii wanaagsanayd ee ay codkooda u siiyeen xiligii tartankii doorashada golaha deegaanka ayna maanta farxad u tahay in halkii isagoo murashaxa uu taagnaa ee looga codeeyey uu maanta taagan yahay isagoo xildhibaana, waxaana uu xusay inaan codkoodii khasaarin ee ay guul taaganyihiin, Xildhibaan bidhi ayaa sheegay in booqashadoodu ay kow ka tahay balan qaadkii ay sameeyen wakhtigii Doorashada sidoo kalena ay maanta bilaabi doonaan horumarkii deegaanka isla sidoo kale wuxuu shacabka u balan qaaday inaanay booqasahdiisu noqon doonin tii ugu danbaysay ee uu soo laaban doono marar badan hadii alle qadaro isagoo wada danta iyo hurumarka deegaanka , Waxaana uu isla goobtii kaga dhawaaqay inuu isagu bixin doono Lacagta ugu horaysa ee lagu dhisaayo Rubta Saldhiga, markii ay dadweynuhu hadalkaasi maqleen ayey aad usoo dhaweeyeen wajiyadoodana aad ka dheehanaysay farxad iyo rayn rayn, Xildhibaan bidhi ayaa ka dhawaajiyey inuu tegi doono Deegaankasta oo laga soo doortay.


Caaqil Xasan Dhuux-yare iyo Caaqil xaaji Axmed Carab oo iyaguna kamida Cuqaasha Deegaanka Balicalanle iyo qaar kamida Bulshada reer balicalanle oo si balaadhan usoo dhaweeyey Madaxda iyo Horumarka ay wadaan islamarkaana sheegay inay Gacmahooda ku dhisan doonaan dhismaha Saldhiga iyagoo la kaashan doona qurbajoodtooda iyo ganacsatadooda, waxaana ay halkaasi ka balan qaadeen inay si wanaagsan usoo dhaweyn doonaan qofkasta oo kasoo jeeda jamhuuriyada Somaliland ayna la shaqayn doonaan ciidanka nabad gelyada ee dhawaan laga yegleeli doono Deegaanka.
Inkaasi ka dib waxaa lasoo afmeeray Munaasibadaasi waxaana loo dareeray dhagaxdhigii dhismaha cusub ee saldhiga ay yeelan doonto Magaalada Balicalanle oo Taariikh lama ilaawaana ku leh Dalkan Somaliland marka dib loo milicsado halgankii dalka loosoo maray ayna ka mid ahayd xarumihii Ururkii SNM, waxaana ay Taliyayaasha, Xildhibaanka bidhi iyo Caaqil dhuuxyare ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismihii Rugta Saldhiga Balicalanle.
Aqoonyahan Yuusuf Googooye kana mida qurba jooga reer Balicalanle oo kulankaasi furay ayaa faah faahin ka bixiyey socdaalkooda iyaga iyo waftiga inay si weyn u danaynayeen inay lasoo kulmaan dadweynaha ku dhaqan deegaanka kana waraystaan xaaladooda iyaga iyo qurba jooda iyo madaxda dawlada ee heer gobol iyo heer degmo oo is kaashanaayey, waxaana uu halkaasi ka sheegay inay qurbajoogta reer balicalanle ay qeyb laxaadle ka qaadan doonaan horumarka deegaanka balicalanle.
Eng Xaaji Suleemaan Axmed Carab oo kamida dadka si weyn u daneeya horumarka deegaanka balicalanle kana mid ahaa dadkii soo qorsheeyey hirgelinta dhismaha rugta cusub ee laga hirgelin doono deegaanka balicalanle ayaa dadweynaha u sheegay in barbar taagan yahay lana doonaayo midnimada iyo nabadgelyada deegaanka in si wada jira looga shaqeeyo waftiguna ay sidaasi u heelan yihiin.
intaasi ka dib waxaa lasoo afmeeray Munaasibadaasi waxaana loo dareeray dhagaxdhigii dhismaha cusub ee saldhiga ay yeelan doonto Magaalada Balicalanle waxaana ay Taliyayaasha, Xildhibaanka bidhi iyo Caaqil dhuuxyare ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismihii Rugta Saldhiga Balicalanle.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office