Berbera(GNA)- “madaxda dawladda ee Gobolka Saaxil waxan leeyahay amaanta madaxweynaha ee aad meel walba la taagantihiin waxa ka muhiimsan idiinkoo umadda u adeega, Madaxweyne Siilaanyo waxa amaan u ah waxqabadkiina”sidaasi waxa shir jaraa’id ku sheegtay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga UCID.
Marwo Rooda axmed Yaasin Haweenayda Xisbiga Mucaaridka ah uga wakiilka ah Gobolka xeebta ku yaala ee Saaxil, ayaa sheegay in Masuuliyiinta dawladda ee Berbera iyo Gobolkuba ka tageen u adeegistii Bulshada, caadeysteena inay Marshafyada ka amaanaan Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa.
Arrintan ayay tilmaantay inay sababtay dayac ku yimi shaqada loo igmaday kuwa jooga xafiisyada ee xukuumadda iyo Dawladda hoose.
Ma jirto ilaa hada wax jawaab ah oo ay eedeyntan iskaga difaaceen Masuuliyiinta Dawladda oo ay ka xustay Guddoomiyuhu Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Duqa Degmada Berbera.
Halkan ka Daawo Shirka jaraa’id ee Rooda Axmed-yaasiin:
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=pc5qhVDhbE4