Dhawaan Ayay Ahayd Markii Uu M/WEYNAHA JSL Mudane Axmed Siilaanyo Bilaabay Safar Ilaa Hadda Aan Bulshadda Reer S/land Fahmin Waxa Uu Daaranyahay Oo Uu Goboladda Dalka Ku Maraayay Todobaadkii Ugu Dambeeyay Markii Uu Kaga Ambabaxay Caasimadda Dalka ee Hargaysa Isaga oo Safarkiisana Ka Bilaabay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Isaga oo Soomaray Magaaladda Saylac ee Xarunta Gobolka Selel Hadaba Waxa Markii Uu M/weyne Siilaanyo Soo Gebagebaynaayay Safarkiisii Ku Eegaa Xeebaha Galbeedka S/land Uu Soomaray Magaalooyin Farabadan Oo Kamida Ah Ama Ka Tirsan Gobolladdaas Uu Safarka Kumaraayay Isagoo Aakhirkii Soo Gaadhay Soohdinta Gobolka Saaxil Bal Aynu Is Yara Dul Taagno Waxyaabihii Xusidda Mudnaa ee Aadka U yaabka Badnaa Markii Uu Soogalay Magaalo Xeebeedka Berbera ee Xarunta Gobolka Iyo Degmooyinka Hoos Yimaadda Waxyaabihii Ku Cusbaa Bulshadda Maqal Iyo Aragba Waxaa Xusid Mudan In M/weynaha Iyo Weftidiisii Ay Goor Maqriba Kusoo Beegmeen Magaaladda BULAXAAR ee Xarunta Degmadda Bulxaar Isla Markaana Ay Baas Marro Ku Dhaafee Oo Aanay Haba Yaratee Istaagin Haddaba Dadka Deegaanka Ayaan Dhibsan Dhaafista Uu M/weynuhu Dhaafay Iyagoo Ka Fikiray Wakhtiga Uu Soconaayay Hadaba Markii Uu M/weyne Siilaanyo Gaadhay Magaaladda Berbera ee Xarunta U Ah Gobolka Saaxil Ayaa Waxa Uu Bilaabay In Uu Isla Habeekiiba Uu Baaddi Goobo Bal Inuun Ciduun Beeshiisa Ah oo Magaaladda Joogta Waxaana Dhacday Inuu Isaga oo Ka Dhuumanaayay Madaxda Gobolka Iyo Masuuliyiintii Dawladda Kuwo lasocday Iyo Kuwo Magaalada Ku Sugnaaba Inuu Gaaf Wareego Xaafaddaha Dhinaca Bari ee Magaaladda Berbera Halkaas oo Uu Kula Kulmay Shikhsiyaad Beeshiisa Ka Soojeedda walaw Ay Jiraan Qaar Si Lama Filaan Ah Kulankaas Ula Kulmay Ama Uga Qayb Galay oo Iyagu Aan Beeshiisa Ahayn oo Ka Soo Jeedda Beesha Maajooratiga U Ah Deegaanka Gobolka Saaxil Hadaba Taa Qudheedda Waxba Lama Sii Sharaysan Walaw Looga Wanaagsana M/weyne Qaran Armiha Caynkaas Ah Hadana Wax Aad Loosii Hadal Hayay May Ahayn Waayo Dadka In Kooban AyuunBaa Ogayd Hadaba Waxay Ceebi Dhacday Markii Uu M/weyne Siilaanyo Si Badheedh Ah Uu Ushaaciyay Inuu Deeq Raashina oo Dhan 1000 Kun Kiish Ugu Deeqay Dadka Degan Magaalooyinka Xagal Iyo Laasciidlle Iyadoo Deeqdaa Raashinkaana Media Loo Soo Bandhigay
Waxaana Yaab Iyo Amankaag Ku Noqotay Guud Ahaan Bulshadda Reer S/land Kuwoodda Indhaha Caafimaadka Qaba Wax Ku Arkaaya Arintan Curadda Ku Ah Dhaqanka Madaxdda Qaranka S/land Hadaba Xaalku Waxa Uu Ku Dhanyahay Ama Aynu Ku Soo Koobaynaa BAAS MAARAYNTA SIILAANYO EE DEGMADDA BULAXAAR IYO BARIIS U QAYBINTA LAASCIIDLE MAXAY DAARANTAHAY
By Sacad Cali Kaahin Raamalay [Sacad plucky]